Axmed Cabdi-dheere Oo Ka Hadlay Qaban-Qaabada Shirka KULMIYE
February 13, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa (Hayaannews)-Guddoomiye
ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi-dheere, ayaa ka hadlay
Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dhawaan ka dhici doona Magaalada
Boorama.
Guddoomiye
ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi-dheere oo wareysi gaar ah
Xafiiskiisa ku siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn
isagoo ka hadlaya Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga ayaa yidhi “Hawshii si fiican
bay inoogu bilaamantay, oo waad arkaysaan, kaadh qaadashadii ayaana
bilaamantay, waxaana guud ahaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ogeysiinaynaa
in kaadhkii Shirka la qaadanayo, markaas inuu qof walba u yimaado oo uu u qaato
ayaanu doonaynaa, Shirkana waa Shirweynihii lixaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga
Kulmiye, Burco ayaa hore loogu qabtay, Hargeysana waa lagu qabtay, doorkana
Boorama ayaa lagu qabanayaa, insha allaah kuwa dambena Magaalooyinka iyo
Gobolada kale ee dalka ayaa lagu qaban doonaa, Shirkan oo socon doona muddo laba
cisho ah oo ka ah 23 iyo 24 bishan, ALLE ha u naxariistee cidii dhimatay ayaa
boosaskoodii la buuxin doonaa, ciddii la bedelayna boosaskooda waa la buuxin
doonaa, insha allaahna si milgo leh iyo gobonimo leh ayuu inoogu dhammaan doona
Shirka Golaha Dhexe, inkasta oo Xisbiga Kulmiye aanu marnaba ka maarmin
Shacabkiisa iyo Taageerayaashiisa, oo uu mar walba u baahan yahay, haddana
Shirkani waa Shir u gaar ah xubnaha Golaha Dhexe, meel kasta oo ay joogaana waa
inay yimaadan”
Mar aanu wax ka weydiinay aragtidooda ku waajahan Doorashada sannadkan la cayima iyo ismarin waaga Xisbiyada ee dhinaca komishanka ayaa ku jawaabay “Wada hadalo ayaa Xisbiyada u dhexeeyey, Xisbiga Kulmiye marnaba khilaaf muu abuurin, miiska wada hadalkana kamuu kicin, Xisbiga Kulmiye waa u diyaar inay Doorashadu dhacdo sannadkan 2019, ee cidda diidani waa inay ogolaata, Xisbiga Kulmiye oo ah Xisbigii taladda dalka hayey ma rabo inay doorashadu dib inooga dhacdo”