Baarlamaanka Ethiopia Oo Go’aan Ka Soo Saaray Dawlad Deegaanka Tigreega.
October 7, 2020 - Written by admin
Ethiopia(Hayaannews): Baarlamaanka Itoobya ayaa cod
aqlabiyad ah ku ansixiyey go’aan xukuumadda federaal ka ah ka mamnuucaya in ay
wax xidhiidh ama wadashaqayn ah la yeelato baarlamaanka iyo madaxda siyaasadda
ee dawlad deegaanka Tigreega.
Arrintan ayaa daba socota go’aankii dhowaan ay dawlad
deegaanka Tigrey ku diiday inay u hoggaansanto dib u dhigista doorashooyinka ee
xukuumadda dhexe qaadatay Coronavirus awgii.
Tigrey waxa ay qabsatay doorashadii dib loo dhigay
xukuumadda dhexena way diidday in ay natiijada aqoonsato.
Go’aanka Baarlamaanka ayaa la filayaa in uu sii fogeyn doono
dillaaca ku jira xidhiidha labada dhinac.
Inkasta oo Tigreegu uu in ka badan 25 sano gacan bir ah ku maamulayey Itoobiya haddana tan iyo 2018 kii markii xukunka uu yimi Abey Axmed oo qawmiyadda Oramada ka soo jeeda, waxa ay Tgreegu muujiyeen didmo badan waxaana laba dhinac u bilowday xidhiidh xumo khatar ku ah midnimada dalka.
Xigasho Kamaal Marjaan.