Baarlamaanka Itoobiya Oo Wax Ka Beddelaya Dasuurka Deegaanka Soomaalida.

Addis Ababa (Hayaannews):- Baarlamaanka Itoobiya, ayaa loo gudbiyey xeer wax lagaga beddelayo dasuurka deegaannada Federaalka, waxaana qorshaha beddelaada dastuurrada deegaannada oo si gaar ah loogu xusay deegaanka Soomaalida dabada ka riixaya Axmaarada xagjirka ah.

Qorshaha isbeddelka loogu samaynayo dastuurka deeggannada ayaa waxa uu hadda horyaallaa guddida arrimaha dastuurka iyo sharciyada ee Golaha Shacabka ama baarlamaanka Itoobiya.

Sida uu qoray wargeyska The Reporter ee kasoo baxa magaalada Addis Ababa, waxa qorshahan halista badan lagu sheegay, in dastuurka deeggannadu uu maalmarsanyahay amaba aanu waafaqsanayn dastuurka iyo qaanuunnada u yaalla Itoobiya, loona baahan yahay in sida ugu dhakhasaha badan wax looga beddelo.

Qodobbada sida gaarka ah loogu xusay qorshahan oo ay gacanta ku hayaan Guddida sare ee dibu-eegista iyo Turjumaadda Dastuurka ayaa waxa ka mid ah, in wax laga beddelo qodobbada quseeya qowmiyadaha ee ay dastuurrada deegaannadu tilmaamayaan, sida kuwa deegaannada iska leh iyo dadka kale eek u dhax nool.

Waxa uu qorshahani u gogol xaadhayaa in dib loo eego qodobbada ay ka mid yihiin xuquuqda siyaasadeed ee ay dastuurka deegaannadu siiyeen dadka kasoo jeeda qowmiyadaha kale ee ku nool deegaannada aanay u dhalan, kuwaas oo qorshahani sheegayo in meel looga dhacay xuquuqdooda, loona baahan yahay in la saxo oo la waafajiyo dastuurka federaalka.

Dastuurka deegaanka Soomaalida oo si gaar ah loogu xusay qorshahan la hordhigay baarlamaanka ayaa waxay tusaale ahaan usoo qaateen hordhaciisa oo sheegaya in deegaankani gaar u yahay qowmiyadda Soomaalida, taas oo ay tilmaameen in aanay sax ahayn.

Lahaanshaha deegaanka ka sokow, waxaa miiska saaran wax ka badalka qodobbo lagu tilmaamay inuu xaddidayo xuquuqaha qawmiyadaha kale ee dhax dagan deegaan aanay kasoo jeedin sida xuquuqdooda doorasho iyo in la doorto.

Waxa xusid mudan in Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar uu sannadkii hore soo jeediyey in wax laga beddelo xuduudaha deegaannada, iyada oo loo marayo isbeddel lagu sameeyo dastuurrada, waxaanu ku taliyey in lagu salleeyo jihooyin halka ay hadda ka yihiin mid qowmiyado ku sallaysan.

Si kastaba, arrintan ayaa haddii la hirgeliyo waxay khatar badan ku tahay deegaanka Soomaalida oo ay haddaba kusoo badanayaan dadka kasoo jeeda qowmiyadaha kale, gaar ahaan Axmaarada oo xataa loo fududeeyey inay iska sharraxaan doorashadii ugu dambaysay, taas oo ahayd markii ugu horreysay ee ay taariikhda dhacdo in qof qowmiyad kale ahi iska sharraxo deegaanka Soomaalida.