Barlamaanka Finland Oo La Horgeynayo Qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeysa (Hayaannews)- Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Finland, Saamiya Xaaji Muuse ayaa sheegtay in barlamaanka Finland la horgeyn doona qadiyada Ictiraafka Somaliland. Isla markaana uu noqon doono dalkii labaad ee baarlamaankiisa la horgeeyo qaddiyada JSL.

Danjire Saamiya ayaa sheegtay in baarlamaanka dalka Finland uu ku xigi doonto Barlamaanka UK in la hor keeyo oo laga doodo Qadiyada Ictiraafka Somaliland “Inshaa Allah Barlamaanka Finland ayaa ku xigi doona Barlamaanka UK in la hor keeno oo laga doodo Qadiyada Ictiraafka Somaliland” ayey tidhi.

Hadalka danjiraha ayaa ku soo beegmaya xilli ay dunidu danaynayso Somaliland oo ku taal bogcad muhiim ah oo ah marinka geeska Afrika.

Danjire Saamiya ayaa sheegay in ay sii xoojisay xidhiidhka ka dhaxeeya labada waddan sida,ictiraaf raadinta, siyaasadda iyo taageero dhaqaale oo dalkaasi ka geysto horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com