Beesha Caalamka Oo Baaq U Dirtay Madaxda Soomaalida

Muqdisho(Hayaannews): Saaxiibada beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay kulanka lagu dhawaaqay in ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyadu isugu yimaadaan si ay heshiis uga gaaraan muranka hadheeyay ee keenay dib u dhaca doorashada.

Qoraal ay soo saareen saaxiibada ayaa lagu sheegay in shirkan la iclaamiyay in la qabto 15ka bishan uu ku qotomo “ si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay in aysan jiri karin qiil keeni kara in shirku uu dib uga dhaco 15ka bisha, waxaana lagu yidhi, “saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah.”

Qoraalka ayaa intaa ku daray in ay beesha caalamku ku boorinayso “madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku wada shaqeynaya niyad wax lagu dhisayo, inay xalliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhuusamareeb isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17kii Sebtembar.”

“Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa qoraalka ay soo saartay hoosta kaga xarriiqday ahmiyadda ay leeyihiin in dhinacyada Soomaalidu ay ka heshiiyaan geedi socodka arrimaha doorashada.

“Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya.”

Qoraalka saaxiibada caalamka ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Indonesia, Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holland, Norway, Suudaan, Sweden, Swizerland, Turkey, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Baaqa Mareykanka

Warsaxaafadeedka beesha caalamka ka dib ayaa qoraal kooban oo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay soo dhigtay Twitterka waxa ay ku boorrisay hoggaamiyeyaasha Soomaalidu in ay xal ka gaaraan khilaafka hareeyay arrimaha doorashada.

Qoraalka ayaa lagu yidhi “waxaan ku boorrineynaa hogaamiyaashu inay xalliyaan arrimihii looga dooday Dhuusamareeb, fuliyaan heshiiskii 17-kii Sebtember iyo in waqti gaaban lagu qabto doorashooyinka. Waxaa la joogaa waqtigii la muujin lahaa hoggaamin dhiirigelin leh, hufnaan jihada la hiigsanayo ah iyo midnimo ah in waxa saxda ah loo sameeyo Soomaaliya si ay tusaale ugu noqoto mustaqbalka Afrika.”

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland