Muqdisho(Hayaannews)
– Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD,
ayaa si wadajir ah u soo dhoweeyay dib u soo nooleynta wada-hadalladii u
dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah
Federaalka.
Wakiiladda beesha
caalamka oo Muqdisho kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda dowladda iyo
maamulada, ayaa ku boorriyay in ay sii
wadaan diyaar-garowga doorashooyinka qaranka si ay kaalin uga qaataan doorasho
ku dhisan daahfurnaan, caddaalad iyo wada-oggol.
Dhinaca kale,
Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay inuu ku biiray deeq bixiyaasha dhanka
doorashooyinka Soomaaliya, xilli dowladda federalku dhawaan codsatay in laga
caawiyo dhaqaalaha doorashada.
Xilli ay soo
dhowdahay doorashada Soomaaliya ayaa wakiiladda beesha caalamka waxay kulamo
dardar galin ah la yeelanayaan madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada, si aan
jadwalka dib uga dhicin.
Kulan dhawaan dhexmaray raysal wasaaraha iyo beesha caalamka, ayaa looga hadlay qorshayaasha doorashooyinka iyo dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo hufnaanta, wada-oggolka, iyo sida ay saaxiibbadu gacan uga geysan karaan arrinkaa.