“Beesha Caalamka Waxaa Ku Waajib Ah Inay Taageerto Raadinta Aqoonsiga Somaliland…” Washington Post

Washington (Hayaannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa beesha caalamka u soo jeediyay inay garwaaqsadaan madax-bannaanida dhulkiisa, isagoo sheegay in wada-hadalladii ay la lahaayeen Soomaaliya ay fashilmeen.

Warbixin uu shalay baahiyey wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay in khudbad uu Madaxweyne Biixi 13 March ka jeediyey xarunta hay’adda Heritage Foundation, uu hoosta kaga xarriiqay in beesha caalamku ay waajib ku tahay damiir ahaan inay Somaliland ka taageerto raadinta aqoonsi caalami ah.

Hogaamiyaha Somaliland, ayaa beesha caalamka u soo jeediyay inay aqoonsadaan madax-bannaanida dhulkooda, isagoo sheegay in wada-hadalladii ay la lahaayeen Soomaaliya ay fashilmeen.

Madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay in muddo toban sano ah oo wada-hadallo socdeen “Soomaaliya ay muujisay inaanay si buuxda u danayn wadahadal macno leh,” taas oo ku khasabtay Somaliland inay sii waddo raadinta aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho caalamka.

“Wadahadalku wuxuu ku guuldareystay inuu gaadho ujeeddooyinkiisa,” ayuu Isniintii ka sheegay Washington xaflad ay soo qabanqaabisay Xarunta Hay’adda Heritage Foundation.

Kevin Roberts, oo madax ka ah hay’adda Heritage Foundation, ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in “Maraykanka & Somaliland ay noqodaan saaxiibo adag”. Gobolka ay ku hareeraysan yihiin rabshadaha iyo khataraha kooxaha xagjirka ah, Somaliland oo degannaansho ka jiro waxay siinaysaa Maraykanka suurtogalnimada “wada-shaqeyn dhab ah oo waarta” Geeska Afrika, ayuu yidhi Roberts.

“Dhulkan (Somaliland) iskeed, waxay ku dhaqmayeen nidaam iyo hannaanka dimoqraadiga ah muddo soddon sannadood. Somaliland waxay ku adkaysatay dimuquraadiyadda iyadoo aanay cidina dareemin.”

Madaxweyne Muuse, oo Somaliland Madaxweyne ka ahaa tan iyo 2017, ayaa sheegay “in uu ku raad-joogo dhammaan dariiqooyinka diyaarsan” si uu u caddeeyo madaxbannaanida dhulkiisa ee Soomaaliya.

“Beesha Caalamka waxa ku waajib ah in ay taageerto raadinta aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland,” ayuu yidhi.

Somaliland wax xidhiidh diblumaasiyadeed oo rasmi ah lama laha Maraykanka, waxaanu Madaxweynahu sheegay inuu doonayo inuu arko Maraykanka oo ku biiraya qaar ka mid ah dalalka joogitaan diblomaasiyadeed ku leh caasimadda Hargeysa.

Somaliland waxa ay ku taal meel istaraatiiji ah oo u dhaxaysa gacanka cadmeed, waxaanu Md. Muuse ka hadlay dedaaladii ugu dambeeyay ee ay Xukuumadiisu dib u habayn ku samaynaysay marsada Berbera oo ay ku hawlanayd sidii gobolka loogu furi lahaa ganacsiga caalamiga ah.

Dhulka Somaliland oo ay ku nool yihiin in ka badan 3 milyan oo qof ayaa ka go’ay Soomaaliya sannadkii 1991-kii markii uu dalkaasi.

Inkasta oo aanay Somaliland aqoonsi ka helin beesha caalamka, haddana waxa ay ilaashatay dawladnimadeeda, isla markaana leedahay lacag iyo nidaam amni oo madax bannaan. Dalkan, ayaa intiisa badan ku guuleystay in ay qabtaan doorashooyin caadi ah sanadihii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan doorashooyinkii baarlamaanka ee la qabtay sannadkii hore.

Deganaanshiyaha Somaliland ee sanadahii la soo dhaafay ayaa sii xoojiyey dareenka guul-darrada Soomaaliya, halkaasoo marar badan laga soo sheego weerarrada dilaaga ah ee kooxaha xagjirka ah ee Islaamku, doorashaduna dib u dhac ku yimaado, sababtoo ah waxa la isku afgaran waayey qaabka loo codayn karo.

Soomaaliya weli waxay u aragtaa Somaliland inay ka tirsan tahay dhulkeeda.

Ma cadda sida ay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya uga falcelin doonto tallaabada ay Somaliland ku raadinayso aqoonsi caalami ah oo ah dal madax-bannaan. Tan iyo 2012 dhowr wareeg oo wadahadal ah oo ku saabsan midnimmo dambe ayaa lagu guuldareystay in la gaadho horumar.

Madaxweyne Md. Muuse ayaa khudbadiisa Isniintii ku sheegay in dagaalka Ukraine uu soo celiyay xasuus xanuun badan oo ku saabsan iska horimaadyo millatari oo burbur, dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaadheen dadka iyo dalka Somaliland,

“Waxaan dareemeynaa xanuunka iyo murugada ay dareemayaan dadka reer Ukraine sababtoo ah waxaan soo marnay khibrad la mid ah,” ayuu yidhi.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe-Janaale

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com