BERBERA: 4 Qof oo ku geeriyooday Magaalada Berbera

Berbera(Hayaannews)- Maamulka gobolka kan degmada Berbera iyo saraakiil katirsan ciidanka Booliska ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyay 4 qof ay u geeriyooodeen waxyaabaha qarxa ee dhulka hoostiisa ku jiray kuwaas oo ay taabteen ama garaaceen.

Iyadoo aaladahaasi qarxaa ay soo sareen Roobab bilihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada Bebera.  Iyagoo masuuliyiintu ka digay Gumacyada Rasaasta iyo waxyaabaha kale ee qarxa ee ay soo saareen Roobabku. Waxa ay sheegeen in maalintii shalay oo ugu dambsay oo qif u geeriyooday Gumac uu garaacay.

Jaamac Jagaag Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil oo halkaa ka hadlay ayaa sheegey inay jiraan khatar badan oo taalla hareera bulshada ku dhaqan gobolka Saaxil kuwaas oo inta badan ay ku waxyeeloobaan carruurtu, taas oo 4 qof muddooyinkii u dambeeyay ay u dhinteen waxyaabaha qarxa eek u jira dhulka hoostiisa, isagoo bulshada uga digay inay waxyaabahaasi ka dheeraadaan oo ayna taabanin.