BERBERA: Agaasime GURXAN Oo U Kuurgalay Kor-u-Qaadida Dakhli Ururinta Cashuuraha!

Hargeysa(Hayaannews): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarka Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan, ayaa waxa uu kormeer ku soo maray xafiisyada Custom-ka Berbera iyo Laanta Hubinta ee Kastamka (Checking-ka Barxada ee badeecadaha la cashuuro lagu hubiyo).

Sidaa waxa u xaqiijiyay Shabakada Wararka ee Hayaannews ilo-wareedyo lagu kal-soon-yahay, waxaanu warku intaasi ku darayaa kadib markii uu halkaasi indha-indheeyay wuxuu kula kulmay maamulayaasha labada dhinac iyo masuuliyiinta ciidanka ilaalada cashuuraha

Agaasmuhu wuxuu kulamo khaasa la yeeshay maamulayasha iyo Xisaabiyayaasha Gobolka Saaxil, Sidoo kale, wuxuu la kulmay maamulaha Cashuuraha bariga ee gobolka Saaxil waxaanay kulankaa ku lafa-gureen hawl-maaleedka shaqo ee dakhli ururinta maadama hada sannadkii sii dhammaanayo mid cusubna la geli-doono, waxaana shirarkaasi qaateen muddo saacado ah war-baahintana aan loo ogalayn.

Maamulaha kastamka berbera Axmed Haybe iyo ku-xigeenkiisa Axmed Ismaaciil, maamulaha Laanta Hubinta Kastamka berbera Cabdiraxmaan Maxamed iyo Maamule ku-xigeenka laanta Hubinta Kastamka Berbera Baashe Cilmi Xisaabiyaha gobolka Axmed Jaamac Iyo Maamulaha Cashuuraha Bariga ee Gobolka Saaxil Ciise Maxamuud Raage masuuliyantaas ayaa kulanka khaaska ah la qaatay Agaasime Gurxan waxaanu xog-wareysiyo ku aadan shaqada iyo shaqaalaha la isku dhaafsaday halkaa kulankan oo caawa ka dhacay xafiiska Wasaaradda Maaliyada ee Degmada berbera hoolkiisa shirarka waxaanu dhamadaay 9:00 habeenimo, Waxaana ugu muhiimsanaa ee halkaasi lagu lafa-guray sidii kor loogu qaadi lahaa  dakhliga iyadoo Aduunkii uu kala xidhay xanuunka Fayris-ka ah ee COVID 19, dhamaan Maamulayaasha iyo xisaabiyaha uga mahad-celiyay hawsha adag ee ay qaranka u hayaan, waxaanu Agaasimuhu ku sugnaan doona muddo 3 cisho ah magaalada Berbera oo uu ka socdo shirka sannadlaha ah ee GPLG-ga uu maanta ku daah-furay

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com