BERBERA: Diyaaradaha  Military-ga Mareykanka Oo Ka Soo Degtay Magaalada Berbera

Berbera(Hayaannews): Diyaaradaha daad-gureeya Military-ga Mareykanka ee C-5M Super Galaxy ayaa markii ugu horeysay soo cago dhigatay garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Berbera, wakhti wufuud sare oo ka socda Koongreeska mareykanka ay socdaalka shaqo ku joogaan Caasimada Somaliland Hareysa.

Imaanshiyaha Diyaaradan military ayaa ku soo beegantay, kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Mousa Bihi Abdi uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku yimi Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mousa Bihi waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan dawladaha dimuqraadiga ah sida Maraykanka.

Madaxweyne Bihi ayaa sheegay in wefdiga ay ka wada-hadleen xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka,xasiloonida, doorashooyinka iyo horumarka waddanka.

Kulankaa laba geesood ah waxa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal, arrimaha nabadgelyada mandaqadda, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka Geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com