“Berbera Waxay Noqonaysaa Xudunta Bariga iyo Badhtamaha Afrika ee Tallaalka Covid-19..” Busiweek

Hargeysa (#Hayaannews)- Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa noqonaysa xuddunta qaybinta tallaalka xanuunka dilaaga ah ee Covid-19 ee bariga iyo badhtamaha Afrika sida lagu sheegay heshiis dhexmaray UNICEF iyo DP World.

Iskaashiga labada dhinaca oo ay qalinka ku duugeen Henrietta Fore, oo ah Agaasimaha Fulinta ee UNICEF, iyo Sultan Axmed bin Sulayemaan, Agaasimaha Guud ee DP World, ayaa ku yimid iskaashi wada jir ah oo loogu talo galay in bulshada ku dhaqan badhtamaha iyo bariga Afrika ay helaan tallaalka COVID-19.

“Qaybinta tallaalada COVID-19 waa caqabadda ugu weyn ee xagga bani’aadamnimada tan iyo dhammaadkii dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaan doonaynaa in qof walba uu helo tallaal, gaar ahaan kuwa ugu nugul bulshadeenna. Ilaa tallaalka la wada helo mooyee, aafada qofna kama dhammaan doonto.” ayuu yidhi Sultan Ahmed bin Sulayem.

Agaasimaha guud ee UNICEF Henrietta Fore ayaa tidhi “Faafida Cudurku waxa ay carruurta dunida ka dhigtay mid rogan, oo carqaladeyneysa waxbarashadooda iyo caafimaadkooda”.

Tallaalku wuxuu noqon doonaa tallaabo weyn oo loo qaaday xagga nolosha carruurta oo dib loogu soo celiyo wadadii saxda ahayd. Iskaashigan cusub wuxuu taageeri doonaa dadaalkeena wadajirka ah si loo hubiyo in si sinaan ah loo helo tallaalada COVID-19”

DP World ayaa ballan-qaadday inay ka faa’iideysanayso kaabayaasheeda caalamiga ah iyo adeegyadeeda si ay u taageerto baahida loo qabo tallaalka COVID-19, oo ay ku jiraan gaadiidka, dekedda, iyo shuruudaha kaydinta ee dalalka ay DP World joogto.

UNICEF iyo DP WORLD ayaa sheegay in dekedda Berbera ayaa noqon doonto xarumaha lagu qaybinayo tallaalka Covid-19 ee bariga iyo badhtamaha Afrika taasi oo dhan laba bilyan oo qiyaasood oo ah tallaallada Xanuunka.

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com