Biden Oo La Hadlay Madaxda Shirka Midowga Afrika

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa fariin maqal ah oo Aqalka Cad uu soo dhigay barta twitterka ee loogu talo galay madaxweynayaasha Maraykanka (POTUS) kula hadlay madaxda ururka Midowga Afrika ee Sabtida, 6da February, u ballansan shir-madaxeedkii midowga oo ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Waa shirkii 34aad ee madaxda midowga.

Madaxweyne Biden ayaa ballan qaaday inuu dib u yagleeli doono wada shaqeyntii dalkiisa iyo Midowga Afrika.Madaxweyne Biden ayaa yiri “Maamulkeyga waxaa ka go’an inuu dib u dhiso wada shaqeyntii aan dunida la lahayn iyo inaan dib ula xiriirno hay’adaha caalamiga ah sida Midowga Afrika.”

Mr. Biden ayaa sidoo kale yiri “Sidoo kale waa inaan ka hortagnaa caqabadaha aan la kulmeyno. Kuwaas oo ay ku jiraan inaan maalgalinno caafimaadka dunida, ka adkaanno COVID-19, ka shaqeyno sidii looga hortagi lahaa oo loo ogaan lahaa, sidii looga jawaabi lahaa dhibaatooyinka caafimaad ee mustaqbalka iyo sidii wada shaqeyni ay u dhex mari lahayd Xarunta Ka-hortagga iyo Xakameynta Xanuunada ee Afrika iyo hay’adaha kale oo horumariya caafimaadka.”

Biden ayaa sheegay inuu rajeynayo in kulanka dambe uu qof ahaan uga geyb galo.