Booliska Somaliland Oo ka Hadlay Tacadi Lagula Kacay Gabadh yar

Hargeysa (Hayaannews) Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay gabadh yar oo adeegto guri aheyd oo haweenaydii ay u shaqeynaysay ay tacadi kula kacday iyo sida ay uga hawl galeen.

Warkooban oo qoraala oo boolisku soo dhigeen bogooda ayay dhacdadaasi bulshada kula wadaageen, waxaanay sheegeen inay arrintaasi ku dabo jriaan si deg deg ahna caddaalada u horkeeni doonaan, isla markaana inanta yarina u heli doonto xuquuqaadkeeda aasaasiga ah.

Waxaa kale oo boolisku mahad naqeen bulshada Somaliland sida dareenka leh ee ay arrintaasi uga fal celiyeen, waxaanay bulshada ku wargeliyeen in arrimaha noocaasa iyo wixii kale ee dhibaato ah ay booliska ku soo wargeliyaan sida ugu dhakhsaha badan.

Qoraalka boolisku soo dhigeen bartooda bulshada ayaa u dhignaa sidan “Shacbiga Somaliland ee xariirta ah ugu horrayn waanu u mahad celinaynaa sida quruxda badan ee ay ula shaqeeyaan Ciidanka booliska Somaliland.

Way na soo gaadheen farriimaha faraha badan ee aad kaga fal celinaseen gabadha muuqaalka ka duubtay inanta yar ee u shaqaynasay, taas oo ku andacoonaysa in ay wax ugu dartay cuntada.