Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabey Muwaadin Reer Jabuuti Ah Oo Dhaliilo U Jeediyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

“Waxaanay xaruntu ka digtey inaan loo gelin gacanta Dowladda Jabuuti Maxbuus Aare oo hadda degan ama ku nool Somaliland, gaar ahaan Magaalada Gebiley,”

Hargeysa(Hayaannews): Xarunta u dhaqdhaaqda difaaca xuquuqal insaanka Somaliland ayaa cambaareysay xadhiga Aare Saleebaan Cowleed Aare oo ah Muwaadin u dhashey dalka Jabuuti ,kaas oo ay shalay booliska Somaliland u taxaabeen xabsiga Magaalada Gebiley.

Warsaxaafadeed ka soo baxey xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland ayaa lagu sheegay inaan loo marin sifo sharci ah xadhiga Aare oo la xidhiidha dhaliilo uu u mariyey baraha bulshada Keligii taliyaha Djabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Waxaana xaruntu ka digtey inaan loo gelin gacanta Dowladda Jabuuti Maxbuus Aare oo hadda degan ama ku nool Somaliland, gaar ahaan Magaalada Gebiley, maadama aanu jirin heshiis Caalami ah oo dhex marey Somaliland iyo Jabuuti oo ku saabsan isu celinta Eedeysanayaasha iyo Denbiilayaasha toona.

 

War-saxaafadeedka Xarunta Xuquuqal insaanka Somaliland ay caawa soo saartay  oo ay ku saxeexan-tahay Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Yaasmiin Cumar  Xaaji Maxamuud, ayaa nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanay u dhignayd sidan:

“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si xoogan u cambaraysa xadhiga lagula kacay Arreh Suleyman Awled Arrehoo booliska Somaliland 20/05/2022, Gebilay ku xidheen.​

​Aare waa muwaadin Jabuutiyaan ah balse hadda degan oo ku nool Somaliland gaar ahaan magaalada Gebilay. ​Aare xadhigiisa looma marin sifo sharciga waafaqsan.​Sida ay eheladiisu xarunta u sheegeen xadhigiisa waxa uu la xidhiidha haddalo uu maalmahan baraha bulshada u marinaayey madax weynaha dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.​

​​Xaruntu waxa ay ka walaacsan tahay xadhiga Aare, waxana ay ka digaysaa in ay Somaliland dib ugasho khaladkii sharci ee ay gashay 2014, kaas oo ay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Jabuuti ugu gacan galisay iyada oo aanay jirin xeer ama sharci ay raacday kaas oo ilaa hadda Jabuuti ku xidhan, arrinkaas oo ahaa mid bini’aadanimada ka baxsan.​

​​Dhanka kale majiro wax mucaahado caalami ah oo dhex maray Somaliland iyo Jabuuti oo ku saabsan isu celinta eedaysanayaasha iyo danbiilayaasha toona.​

​Sidoo kale Qodobka 35 (3) ee dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa “Jamuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa danbiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamuuriyadda Somaliland iyo dal ka waydiistay celintiisa”​

​Ugu danbayn xaruntu waxay dowladda jamuuriyadda Somaliland ugu baaqaysaa in ay si dhaqso ah xoriyadiisa ugu soo celiso Aare Saleebaan Cowleed Aare, isla markaana xaqdhowrto oo tixgaliso dastuurka dalka u yaala.​”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com