BOORAMA: Komiishanka Oo Kala Diray Hawlwadeenada Kaadh Bedelka Ee Gobolka AWDAL

Boorama (Hayaannews)- Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa maanta xarunta jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama ka kala direy hawl wadeennada iyo gadiidka ka hawl-geli doona goobaha ay ka bilaambayso diiwaan-gelinta kaadh badalka iyo goob badalka codbixiyayaasha gobolkaasi.

Madasha lagu kala diray Hawl-wadeennada iyo Gaadiidka waxa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo raac), guddoomiye ku xigeenak gobolka Awdal Cawaale Faarax Cilmi, waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo Raac) waxaanu sheegay in goobtaasi ay ku kala direen shaqaalaha 20 goobood oo laga qaadan doono kaadh badalka iyo goob badalka, isaga oo sheegay in 10 cisho ee soo socda degmada Saylac laga diwaan gelin doono afar goobood oo kala ah Saylac, Lawyacaddo, Xariirad iyo Fiqi Aadan, iyada oo degmada Lughayana laga qaadan doono saddex gooobood oo kala ah Lughaya oo degmada ah, Geerisa, Garbo dadar, halka degmada Baki iyana laga qaadan doono saddex goobood oo kala ah Baki, Dila iyo Cali Xaydh

Degmada Boorama ayaa iyadna laga qaadan doonaa shan degmo oo dibadda ah oo kala ah Boon, Qori ujeed, Cuna qabad, Guriyo cawl iyo shan degmo oo gudaha ah, oo ah afarta waaxood ee ay ka kooban tahay degmada Boorama oo kala ah dugsiga Sheekh Axmed Salaan, dugsiga sheekh Cali Jawhar, dugsiga Ardaale iyo dugsiga sheekh Cismaan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal Cawaale Faarax Cilmi oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada ku nool gobolka Awdal in ay ka faa’ideystaan diiwaan gelintan isla markaana la shaqeeyaan hawl wadeennada kala duwan ee ka shaqaynaya diiwaan-gelinta.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland