Boqor Maxamed Boqor Ciise Oo Bogaadiyay Shacabka Reer Somaliland Curashada Sanadka Cusub Ee 2022.

“Waxaan ILAAHAY inooga baryayaa inuu inaga soo jabiyo Abaarta”

Hargeysa-(Hayaannews)- Boqor Maxamed Boqor Ciise oo ka mida Madax-dhaqameedka Somaliland, waxa uu curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2022-ka oo ku beegan maalinta beri oo Sabtida ah taariikhduna tahay 01/01/2022-ka uu bogaadiyay dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meelkasta oo ay joogaan, isaga oo u rajeeyey inay isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan qaranimadooda.

Boqor Maxamed waxa uu shacbiga Reer Somaliland Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash: “Waxaan ILAAHAY uga baryayaa shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo horumar waara, inta Xanuunsanaysana uu ILAAHAY caafiyo”

“Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu abaarta inaga soo jabiyo oo uu roob inoo shubo,waxaan ku dhiiri-gelinayaa shacabka Somaliland wax wada-qabsiga inay xoojiyaan, oo ay ilaashadaan nabadgelyada iyo jiritaanka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland”.Ayuu yidhi Boqor Maxamed Boqor Ciise oo Caawa qoraal soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxa soo muuqda ifafaalihii Ictiraafka, ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu sannadkan cusub 2022 ay Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf ka hesho bulsho-weynta Caalamka”

“ILAAHAY ayey mahadii u sugnaatay curashada Sannadkan cusub 2022 inagu gaadhsiiyey Caafimaad qab, ILAAHAYOOW Sanadkii tagay #2021 haraatidiisa naga duwe, ka cusubna #2022 Hirdidiisa na Duwe.” Ayuu yidhi

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com