Caalamka oo Si Wayn looga Xusay Maalinta Qarannimada Somaliland
May 20, 2019 - Written by admin
Hargeysa (Hayaannews):- Guud ahaan qaaradaha dunida oo dhan ayaa si wayn looga xusay xuska 28 aad ee maalinta qarannimada Somaliland oo ku beegnayd 18 May,waxaanay guud ahaan jaaliyadaha kala jooga dalalka caalamka ee adduunku ay si wayn u xuseen 28 guurada ka soo wareegtay maalinta qarannimada Somaliland oo ah maalintii Somaliland ay dib ula soo noqotay xornimadeedii kuna dhisatay dawladnimadeeda.
Maalinta
qarannimada Somaliland oo ah maalin ay leeyihiin guud ahaan shacabka Somaliland
isla marlaana ay meel uga soo wada jeedaan illaalinteeda iyo difaaceeda ayay
jaaliyadaha dibadda ku dhaqani kala sinnaayeen xuskeeda shacbi waynaha ku sugan
dalka gudihiisa.
Hay’adda
Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee
Somaliland ayaa bogaadisay dhammaan Jaalliyadaha Somaliland ee u debbaal degay
Xuska Sannadguurada 28aad ee maalinta qarannimada Somailand ee 18 May ee 2019.
Hay’adda Qurbajooggu waxay sheegtay in
Munaasibadda 18ka May laga xusay dalalka boqortooyada Ingiriiska, Germany,
Finland, Sweden, Norway, Denmark, Belgium, Holland, France, Italy, Ireland,
Canada, USA, Djibouti, Kenya, South Africa, Imaaraadka, Kuwait, iyo Australia
iyo Finland.
Waxaanay
Hay’adda qurba joogga Somaliland ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga
caalamiga ahi ay intaa raacisay in dhammaan qaaradaha dunida oo dhan sannadkan
laga wada xusay sannad guurada ka soo wareegtay maalinta qarannimada Somaliland
ee 18 May.
Jaaliyadaha
reer Somaliland ee dalalka caalamka ku nool, ayaa kaalin muuqata ka sameeyay
waddamada ay ku nool yihiin isla markaana madaxda dalalkaas gaadhsiiyay codsiyo
iyo dhambaallo ay ku muujinayaan sida ay Somaliland u tahay dal gaar ah oo
madaxbannaan oo xaq u leh in ay beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa.
Taasoo ah mid ay kaga run sheegayeen xaqiiqada ka jirta dalka Somaliland iyo hirgelinta hannaanka dimuquraadiyadeed ee ka hana qaaday Somaliland oo ah dal ku tallaabsaday hannaan doorashooyin oo kala dambeyay oo ay kaga duwan tahay dalal badan oo ka mid ah qaarada afrika.
Hay’dda
qurba joogga Somaliland,ayaa si wayn u hambalyaysay guud ahaan jaaliyadda ku
dhaqan qaaradaha kala duwan ee caalamka ee u dhashay Somaliland ee sida weyn u
xusay maalinta qarannimada Somaliland oo ay sheegtay in ay guteen waajibaad
qaran oo saarnaa jaaliyadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan,waxaanau
ku dar daartay iksu duubni iyo wada jirka jaaliyadaha Somaliland ee dibedda
meel kasta oo ay joogaan iyo xisbi kasta oo ay taageersan yihiinba waxaanay ku
adkaysay in ay ogaadaan in asxaabta qaranku ay yihiin xisbiyo dalku leeyahay
waxa lagu wada midaysan yahayna ay tahay illaalinta iyo difaaca jirintaanka
qarannimada Somaliland.