Cabdilaahi CUKUSE Oo Ka Hadlay Qorshaha Xukuumadda Ee Loollanka Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

Hargeysa (Hayaannews)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka hadlay Go’aanka Maxkamadda Sare maanta ku shaacisay natiijada rasmiga ah ee Doorashada Golaha Wakiillada JSL oo ka kooban 82 xildhibaan oo ka soo kala baxay saddexda Xisbi Qaran.

Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse waxa kale oo uu ka hadlay loollanka xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumaddu ugu jiraan hanashada shir-guddoonka Golaha Wakiillada maadaama ay mucaaradku leeyihiin aqlabiyadda xildhibaannada ku soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliland.

Cabdilaahi Cukuse oo u warramay telefishanka Sahan oo weydiiyey inay xukuumadda Xisbiga Kulmiye qorshaysay sidii dhaqaale loogu kasban lahaa xildhibaannada, ayaa xukuumadda ka fogeeyey inay Dhaqaale ku bixinayso hanashada codadka xildhibaannada xisbiyada mucaaradka

“Madaxwaynuhu waa handaraab iyo lacag buu bixinayaa kala daaya “.Ayuu yidhi Cabdilaahi-Cukuse

HALKAN HOOSE KA DAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com