Cabdillaahi Geeljire Oo Madaxweynaha Ku Eedeeyay In Aanu Dhex U Ahayn Bulshada
April 28, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa (Hayaannews ) Siyaasi Cabdilaahi Geel jire, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyey in aanu bulshada dhex u ahayn ee uu dhinac yahay,isla markaana aanu dhaadanay inuu bulshada dhex yahaya, waxaanay sheegay inay ahayd inuu bulshada isku jiido oo isku soo dhaweeyo.
Siyaasi Cabdilaahi Geel Jira
ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan “ Madaxweyne ayaa meesha jooga oo isagu weli u
dhaqmaya inuu dhinac yahay , haddii ay beel tahay beel-nimo ayuu ugu jawaabayaa
, haddii ay Xisbi tahay qof nimo ayuu ugu jawaabayaa , haddii ay dumartahay wuu
u jawaabayaa isagii keligii ayuu shaqaynayaa ninkii Madaxweynihii ay ahayd inuu
ummada isku jiido oo sifo shaqsi ah ayaad moodaa inuu u dareen-san-yahay xilka,
ahayd inuu qofka inoo dhaxeeya ee ina hoggaaminaya ee inoo tanaasulaya ee inoo
odayga ah uu noqdo ayuu ahaa .”