Cabdiraxmaan-CIRRO Oo Xilkii Guddoomiyenimo Ee Xisbiga WADDANI Ku Wareejiyay Xirsi

Hargeysa (Hayaannews) Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa xilkii guddoomiyenimo ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ugala wareegay guddoomiyihii hore ee xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Cabdiraxmaan Cirro oo ku hadhay xilka murashaxnimo ee doorashada madaxtooyada ayaa xilkaas soo hayay tan iyo asaaskii xisbigaas 2012.

“Waxa ay ii tahay sharaf iyo guul taariikheed oo siyaasaddeed in aan ibo-furo sawir saaxadda siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland ku cusub oo ah Jeexista jidka Dimuquraadiyadda ee Xisbiyadda Qaranka Somaliland ka dhisan.

Saaka waxa aan si rasmi ah xilkii guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ugu wareejiyey Guddoomiyaha Cusub ee Xisbiga oo lagu doortay Shirweynihii 2aad ee dhacay 15-16 Nov 2021, anniga oo u rejaynaya Guddoomiyaha Cusub in uu Alle ku asturo Hoggaaminta Xisbiga.”Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga WADDANI.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com