#Cabdiraxmaan_CIRRO Oo Ka Hadlay Qaraarkii Ay Soo Saartay Maxkamadda Sare Ee Somaliland, Farina U Diray Taageerayaasha Xisbiga #WADDANI.

Hargeysa (#Hayaannews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro),ayaa ka hadlay qaraarka ay maxkamadda sare ee Somaliland soo saartay, isla markaana ku baaqay in loo diyaar-garoobo doorasho madaxtinnimo 13 ka November 2022-ka.

Sidaa waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray Murrashax Cabdiraxmaan-Cirro oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu ku dooday in go’aanka Maxkamadda ee soo baxay uu gogol xaadh u yahay, doorashada madaxtinnimada oo qabsoonta xilligeeda.

Waxaanu u dhignaa sidan:“Go’aanka Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee 16ka Januaray 2022- ka soo baxay, waxa uu gogol xaadh u yahay in Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ku qabsoonto xilligeeda Dastuuriga ah ee November 13 2022.”

Cirro oo la hadlaya Taageerayaasha Xisbiga Waddani, waxa uu qoraalkiisa ku yidhi; “Waxaan farayaa dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI iyo shacabka Somaliland-ba in ay u diyaar garoobaan doorasho Madaxtooyo oo dalka u horseeda isbeddel caddaaladdeed iyo dawladdeed oo dunidu innagu majeerato.”

Doorashada madaxtinnimada Somaliland iyo doorashada Ururrada oo labaduba qorshaysan sannadkan 2022-ka, ayaanay weli kala caddayn ta soo horreynaysaa, inkasta oo dhinac kastaa sheeganayo in midba ta kale ka soo horreyso Mucaaradka iyo Muxaafadka.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com