Cali-GUREY Oo Soo Dhoweeyey Go’aanka Ciidanka Qaranka Somaliland Ee jiida GOOJA-CAADE

Hargeysa(Hayaannews): Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay qaateen Ciidanka Qaranka Somaliland iney maanta laga bilaabo si gaar ah weeraradoodu ugu wajahnaan doono Ciidamada Maamulgoboleedka Puntland ee sida isdabojooga ah ugu soo qulqulaya Gobolka Sool.

Waxana uu bilaa micne ku tilmaamey in uu yahay difaac aan qasdi lahayn ee Ciidanka Somaliland kaga jireen Gooja-cade mudada dheer.maadama ayuu yidhi;” Lagu heshiin waayey xabadjoojin, Xukuumadda SL ay diidey iney Ciidanka qaranka dib uga soo saarto Gooja-cade; ”

Ugu horeyn Cali Gurey Isaga oo ka hadlaya sida uu u arko  go’aanka uu ku dhawaaqey maanta taliska Ciidanka Somaliland ee Gooja-cade waxa uu yidhi”

“Caawa ayaa ugu horeysa oo Ciidanka Qaranka af aan garan karo ku hadlay. DIFAAC AAN QASDI LAHAYN WAA MICNO LA’AAN BAA LA YIDHI (defense without aim is meaning less). Allay lehe waxa ka dhigan difaaca uu muddada dheer Ciidanka Qaranku (CQ) Goojecadde iska hawaaray ee tiraba shan goor lagu soo weeraray. Hadii xabbadjoojin iyo in ciidamada la kala durkiyo lagu heshiin waayay xukuumadduna diiday in CQ ay dib uga soo saarto Goojecade

go’aanka maanta ay qaateen waa sax weliba marka aynu og nahay ciidamada ka soo gudbaya xadka Somaliya (Puntland) oo aan marna la aqbali karin in ay CQ kula dagaalamaan gudaha Somaliland. Afhayeen u hadlay CQ ayaa cadeeyay in wixii maanta ka

dambeeya ay iyagu la wareegi doonaan gacanta sare ee dagaalka oo dhinacoodu la wareegi doono weerarka difaacii Goojecadena ka bixi doonaan. Sida afhayeenku hadalkiisa u dhigay weerarada CQ ay si gaar ah ugu wajahnaan doonaan ciidamada Puntland ee sida isdabajoog ah ugu soo qulqulayay Gobolka Sool ee Somaliland.

GUUL BAAN U REJAYNAYAA CIIDANKA QARANKA SOMALILAND”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com