Carwada Ganacsiga Taiwan 2020 Oo Hargeysa laga Furay

Hargeysa- (Hayaannews) Carwo lagu soo bandhigay agab kala duwan oo lagu sameeyo dalka Taiwan, kana soo qeybgaleen xubno ka tirsan xukuumada Somaliland, Ganacsato, martisharaf kale iyo hay’adaha Warbaahinta, sida Dawan Media Group iyo Somtribune ayaa khamiistii laga furay Hargeysa.

Furitaanka Carwada Ganacsiga Taiwan 2020 oo furitaankeedii uu hadal ka jeediyey Safiirka Dalka Taiwan u fadhiya JSL Amb Allen C. Lou ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada bandhiga carwadan, uguna baaqay guud ahaan bulshada Somaliland iyo ganacsatada dalka ka faa’iideysigeeda, taasoo qeyb ka noqon doonta sii xoojinta xidhiidhka labada dal.

“Taiwan waa dal ka taageeray ka hortaga xanuunka Covid19 somaliland, kuna koobnayn qalabkii lagaga hortegayey, balse sidoo kale aqoontii loo baahnaa, kala shaqeynay xukuumada.”

Safiirka Taiwan oo ka sii hadlayey sida dalkiisu ugu guulaystay la dagaalanka xanuunka covid19 ayaa yidhi,

“shirakdo kala duwan oo mid samaynayso afxidhkii, mid qalabkii lagu baadhayey, ayey taiwan la kaashatay ka hortaga xanuunka covid19.

Safiir Lou ayaa sheegay in fursadaha ganacsi ee laga helayo dalkiisa diyaar u yihiin inay fududeeyaan xukuumada, ururo kala duwan oo qaabilsan ganacsiga sida TAIRA, xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Taiwan, iyo xafiiska Taiwan ee Somaliland, isla markaana tahay hawl labada xukuuamdood dhiirigelinayaan.

“Ganacsatada Taiwan waa u diyaar xidhiidhka ganacsi ee Somaliland, sidoo kalena xukuumadu si weyn u taageerayso.

Sida halka xukuumada Somaliland iyo Rugta Ganacsigu iyo xafiiska Taiwan ee Somaliland oo diyaar u ah taageerada ganacsiga.

Dhinaca kale, Wasiirka Maalgashiga Md Maxamed Axmed Cawad iyo Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda Md Liibaan Yusuf Gaaxnug oo madasha ka hadlay ayaa soo dhoweeyey furitaanka carwadan, isla markaana ugu baaqay ganacsatada Somaliland inay xidhiidh la yeeshaan dhigooda Taiwan.

Wasiir-xigeen Md Liibaan oo hadal kooban ka jeediyey ayaa amaanay xidhiidhka labada wadan u bilaabmay, isla markaana sheegay inay ku dedaalayaan siduu u horumari lahaa,

“Waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa inaan u hambalyeeyo xafiiska wakiilka Taiwan ee Somaliland oo hogaaminayo safiir Allen, oo xilligan adag hirgeliyey qabashada carwadan

“Sidaad la wada socotaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Shiinaha ee Taiwan waxay dhawaan kala saxeexdeen heshiis laba geesood ah, dhawr bilood gudahoodna waxaannu aragnay horumar ballaadhan oo laga gaadhay iskaashigeenna laba geesoodka ah ee dhinacyada oo dhan.

Wasiir ku xigeenka Liban wuxuu amaanay Taiwan iyo dadkeeda oo tilmaamay sida ay u yihiin dad anshax leh, howlkar ah, oo saaxiibtinimo leh kuna faraxsan inay saaxiib la noqdaan.

Wasiirka Maalgashiga Md Maxamed Axmed Cawad oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay ganacsatada Somaliland inay ka faa’iideystaan carwadan iyo xidhiidh dhexmara ganacsatada dhigooda ee Taiwan.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada Somaliland inay xidhiidh ganacsi cusub la yeeshaan dhigooda Taiwan, isla markaana noqdaan safiir kheyraadka maalgashi ee Somaliland yaala gaadhsiiya caalamka.

Gebagebadii Safiirka Taiwan ee Somaliland, Wasiirka Maalgashiga, Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda iyo masuuliyiin kale ayaa xadhiga ka jaray furitaanka carwada, oo qabanqaabadeeda loo soo agaasimay si heer sare ah, isla markaana dhamaan martidii ka qeybgashay la mariyey nidaamka eegitaanka xummada, nadiifinta gacmaha iyo xidhashada afdaboolka.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayannewssoma@gmail.com