Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Laba Dhalinyara iyo Dareenka Ka Dhashay 

Hargeysa(Hayaannews): Ciidamada booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay laba Dhalinyaro ah oo lagu kala macagaacabo Hibo Faysal oo ka mid ahayd dhalinyarada reer Hargeysa iyo Hal-abuur Maxamed Jeesto oo ka mida dhalinyada reer Burco.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Ciidamada booliska Somaliland oo la xidhiidha xadhiga dhalinyaradan, balse Hibo Faysal ayaa lagu xidhay hadal ay warbaahinta ka sheegtay, halka lagu xidhay Hal-abuur Maxamed Jeesto qoraal qoray.

Hibo Faysal oo ka mid ahayd qoysaskii hantidoodu ku gubatay dabkii dhawaan baabiyay Suuqa WAAHEEN ee badhtamaha Magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay in lagu hayo hadalo ay warbaahinta ka sheegtay oo ahaa in Dalaayadihii lagu caawinayay dadka ay Boolisku ka qaadeen, isla markaana  dib lacag uga siinayaan. Sidoo kale-na waxay heegtay in aan dhibaatada Suuqa Waaheen waxba loo noqoneynin ee ay doorashada madaxtooyadu ay xilligeedu ku dhacdo.

Dhinaca kale, Wiilka dhalinyarada ah Maxamed-JEESTO ee ciidamada booliska Burco xabsiga u taxaabeen galabta ayaa waxa uu is-barbar dhig ku sameeyey Ciidamada qaranka Somaliand iyo kuwa Soomaaliya, waxaana la sheegey in lagu haysto qoraal uu bartiisa Facebook-ga ku qorey, kaas oo uu ku ammaanay dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka qaranka Soomaaliya General Odowaa, halka uu eedeeyey Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Sareera Gaas Nuux TAANI inuu la hadhay ciidanka oo uu yahay Sarkaal kacaan ka hadh ah, isla markaana uu u kala abtiriyay ciidamada oo uu ku sifoobay qabyaalad.

Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa muddoonyinkii ugu danbeeyey la soo baxday in xidh xidho Suxufiyiinta, hal-abuurka iyo dhalinyarada wax qorta, taas oo ka hor imanaysa xoriyatal-qowlka iyo Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.

Tan iyo markii uu soo baxay xadhiga labadan dhalinyarada ah ayaa waxa soo if-baxaayaa hadal hayn meelaha ay dhalinyaradu ku kulanto, iyo baraha bulshadu ku kulanto.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com