Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Suxufiyad Barwaaqo
October 22, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews): Ciidamada
Booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay Suxufiyad Barwaaqo Xaaji
Faarax oo ka hawlgasha Telefishanka Madaxa Banaan ee Sahan.
Sidaa waxa shabakadda Hayaannews
u xaqiiyey Gudoomiyaha Telefiishanka
SAHAN Axmed Heelo.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo
baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland oo la xidhiidha xadhiga suxufiyad
iyo sababta.
Suxufiyad ayaa la xidhay wakhti ay ku guda jirtay duubista dad ka cabanayey xukunkii lagu riday raggii kufsaday gabadhii yareyd ee CAWO ee ku jirtay Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeisa.
Xadhiga Suxufiyad ayaa waxa uu ka hor imanayaa shuruucda iyo qawaaniinka waddanka u taala, iyada oo uu soo noqnoqday muddadii ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Biixi xadhiga badheedhka ee lagu baacsanayo suxufiyiinta.