Ciidanka Asluubta Oo Loo Carbinaayo Maaraynta Xabsiyada

Hargeysa-(Hayaannews)-Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Cabdirahmaan Sh. Xassan ayaa saddex iyo toban Sarkaal oo carbis ah iyo laba sarakiil xigeen oo ka tirsan ciidanka Asluubta u Furay Tobabar.

Tobabarkan loo furay ciidanka Asluubta ah ayaa ku saabsan horumarinta iyo maaraynta arrimaha xabsiyada, kuwaas oo loo tobabarayo hoggaaminta mustaqbalka ee ciidanka asluubta, gaar ahaan hawlaha xabsiyasada iyo maxabiista jamhuuriyada somaliland.

Tobabarkan oo ay bixinayaan khubarro hay’adda UNODC ka socda, iyada oo ay bixinayeen tobabaro noocan oo kale ah  muddo shan sanno ah, waana dufcaddii shannaad ee tobabarkan qaadata.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda  Cabdirahmaan Sh.Xassan waxa ay saraakiisha la tababaraayo muddada afarta toddobaad ah ku boorriyeen in ay ka faa’iidaystaan khubarrada tobabaraysa, culuumta ay ka faa’iidaan kuna dabaqaan Habka loo Maamulo xabsiyada.