Ciidanka Booliska Somaliland Oo Xashiishadii Ugu Badnayd Soo Bandhigay.

Hargeysa, (Hayaannews) – Taliyaha ciidanka booliiska Somaliland sareeye guuto Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in ciidanka booliisku gacanta ku dhigeen 470 mijood oo Xashiishad ah.

Taliye Dabagale ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo saraakiil xukuumada ka tirsan oo booqasho ugu tagay ciidanka warbixin ka siiyay Xashiishadii ugu badnayd ee abid ciidanka booliisku gacanta ku dhigo.

“Waanu jiboono howsheeni dhiiri galinta ahayd ee aanu wadnay uun baanu is nidhi madaama oo aad Xashiishadi ugu badnayd oo 470 mijood ah aanu xalay qabateen bal madaxweynuhuna ciidanka wixii talo iyo tusaale ah ha siiyo” ayuu yidhi Dabagale.

“Madaxweyne ciidamada Somaliland ee booliisku meelkasta oo ay joogaan, tuulo kasta iyo gobolkasta shaqooyinkooda caadiga ahaa iyagoo haysta, waxay diyaar u yihiin qorshahan dabargoynta maandooriyaha kala duwan in ay qayb ka qaataan, oo habeenkii Xashiishada halka taala iyo in lamida ayay soo qabtaan” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa ciidanka booliiska Somaliland ku bogaadiyay shaqada la dagaalanka maandooriyaha ee ay ku howlanyihiin, waxaanu madaxweynuhu ka waramay muhiimada ciidanka booliiska iyo shada adag ee uu qabto.

Umadiinu way ogtahay shaqada aad qaranka u haysaan, ninka 10 sano booliiska ka shaqeeyaa wuxu lamid yahay nin 40 sano shaqeeyay, madaama anay saacad qudha maskaxdiisa shaqo ka baxayn, xataa haduu gurigiisa joogo dareen baa ku taagan” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa ku howlan la dagaalanka maandooriyaha kala duwan ee laga keeno waddamada jaarka oo Somaliland oo uu sharci daro kayahay lagu soo galiyo si tuugo ah.’