Ciidanka Ethiopia Oo Bilaabay Howlgalka Ay Ku Qabsanayaan Mekelle

Mekelle(Hayaannews): Ciidamada dowladda Ethiopia ayaa Sabtida maanta ah bilaabay duullaan ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, sida uu sheegay dublumaasi si toos ah ula xiriira dadka deegaanka, iyo hogaamiyaha ciidamada Tigreega.

Duqeyn culus ayaa ruxday magaalo madaxda gobolka Tigray Sabtida maanta ah, iyadoo magaaladan ay nus milyanka qof ku nool yihiin ay wajahayso guluf dagaal oo ay ciidamada dowladdu ku beegsanayaan hogaamiyeyaasha TPLF.

Milatariga Ethiopia “waxa ay bilaabeen in ay bartamaha magaalada Mekele ku garaacaan hubka culus iyo madaafiic,” sida ay sheegtay dowladda gobolkaasi. Laba sarkaal oo samafaleyaal ah kuwaasi oo ay shaqaale u joogaan magaalada ayaa iyana xaqiijiyay duqeynta.Debr

etsion Gebremichael, oo ah hogaamiyaha Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), ayaa farriin qoraaleed ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in magaalada Mekelle ay ku socoto “duqeyn culus”. Waxa uu sheegay in milatariga Ethiopia ay madaafiic u adeegsanaya weerarka.

Diblumaasi la socda xaaladda ayaa sheegay in qaraxyo laga soo wariyay xaafadda Hamidai ee waqooyiga magaalada. Diblumaasi labaad ayaa isna sheegay in weerarku uu bilowday.

Billene Seyoum, oo ah afhayeen u hadashay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa tiri: “Ciidamada difaaca qaranka Ethiopia malaha hadaf ay ku duqeeyaan magaaladooda iyo dadkooda. Mekelle ayaa wali ah mid ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah ee Ethiopia, dadaallada lagu doonayo in caddaaladda lagu horkeeno kooxdan dambiilayaasha ah ma horseedeyso duqeymo lagu beegsanayo sida ay u dhigayaan kooxda TPLF iyo kuwa dacaayadda wada.”

Waxa ay intaasi raacisay in “badbaadada Itoobiyaanka ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray waxa ay sii ahaan doontaa mid mudnaanta koowaad ay siiso dowladda federaalka.”

Sheegashooyinka dhinacyada muddada saddex toddobaad ah uu dagaalku u dhexeeyo ee ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF ayaa ah wax aaney macquul aheyn in la xaqiijiyo sababtoo ah waxa gobolka ka go’an taleefannada iyo qadka internetka.

REUTERS

Voasomali

Hayaannews, Office

Email: Hayaannewssoma@gmail.com