“Ciidanka Qaranku Waxay Awood u Leeyihiin Inay Qaadaan Tallaabo Kasta, Si Loo Sugo Badbaadada iyo jiritaanka Qaranimadeena,”Dr.Ciise Kayd

Somaliland Withdraws Recognition Of Somalia

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka Wasaarada Arimaha dibada Somaliland Dr.Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale ayaa sheegay in Ciidamada qaranka  Saaka ka soo baxeen Magaalada Laascaanood dibna ugu soo noqdeen  fadhiisimadooda.

Wasiir Ciise Kayd ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay  in Ciidamada qaranka awood u leeyihin in ay qaadaan talaabo  kasta oo lagu badbaadinayo  qaranimada Somaliland,

Jamhuuriyadda Somaliland waxay had iyo jeer karti u leedahay oo ay ka go’an tahay inay xalliso arrimaheeda gudaha sidii aanu tobonaankii sanno hore u samayn jirnay ilaalinta nabaddayada iyo dimoqraadiyadayada.

Xukuumadda Somaliland waxay ku kalsoon tahay in arrinta Laascaanood ka taagan xalkeeda la dhamayn doono.Maadaama tani ay tahay mudnaanta dawladeena iyo muwaadiniinteeda si loo ilaaliyo yaraynta saamaynta rayidka iyo tixgalinta codka muwaadiniinta iyo sidoo kale baaqyada ka imanaya saaxiibadayada caalamiga ah.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa ciidamada qaranka jamhuuriyada Somaliland ay dib uga gurteen jiidaha hore ee dagaalka iyagoona u ruqaansaday saldhigyada ciidan oo cayiman.Xukuumadda Somaliland waxa ka go’an inay ka hortagto kooxo shisheeye oo gabaad ka dhigta magaalada Laascaanood, waxayna dalbanaynaa in dhammaan ciidamada oo ay ku jiraan kooxaha maleeshiyada iyo kooxaha xagjirka ah ay si deg deg ah uga baxaan magaalada.

Ciidanka Qaranku isagoo leh cududiisa, si kastaba ha ahaatee waxa ay awood u leeyihiin in ay qaadaan tallaabo kasta oo loo baahan yahay si loo sugo badbaadada iyo jiritaanka qaranimadeena.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Ciise Keyd Maxamuud-Hayaannews

Dawladda Somaliland waxay mar kale dib ugu celinaysaa muwaadiniintayada iyo saaxiibada caalamka inay sii wadaaan ballanqaadka ku aaddan ilaalinta xabbad-joojinta hal dhinac ah ee lagu baaqay feb.10, 2023 iyo dedaalada nabadeed ee socda oo uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland.