Ciidanka Sirdoonka Qaranka Somaliland Oo Si Weyn U Gadooday Iyo Dareenada Ku Xeeran.

Hargeysa(Hayaannews): Ciidanka Sirdoonka Qaranka Somaliland ayaa gadooday saaka, waxa ay xabado ka dhaceen xarunta Taliska Sirdoonka Somaliland.Waxa ciidanku diiday in dhammaan saraakiisha iyo shaqaalaha xarunta ka hawlgalaa ay gudaha xarunta soo galaan. Waxa ayna sheegeen in aanay cid kale u ogalayn ilaa Madaxweynaha la hadlaan oo uu yimaado mooyee.

Ciidanku waxay cabasho xoogan ka qabaan, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Faysal Guhaad iyo Wiil ka uu dhalay madaxweynuhu Muuse Biixi Cabdi, oo dhammaan-ba shaqadii sirdoonka madaxa iskaga duubay.

Wararku waxay tibaaxayaan in ciidankaa gadoodsani laga musuqmaasuqay gunooyinkii iyo mushaharooyinkoodii. Sidoo kale waxa shaqo joojin aan sharci ahayn lagu sameeyay saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidanka, oo u hoggaansami waayay amarada gurracan ee hoggaanka sirdoonku bixiyo, kuwaas oo ku mid yahay wiilka madaxweynuhu dhalay Axmed Muuse Biixi. Waxyaabaha kale ee ay tabanayaan waxa ka mid ah sirdoonka leexsan oo shaqadoodii si taban ula wareegay, sumcadana ka dilay.

Marka laga tago Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Faysal Guhaad, hoggaanka ciidanka intii kale waxa ay hadda ku shirayaan Hotel ka mid ah Hotel-ada magaalada ku yaalla.