“Ciyaaruhu Waxay Muhiimad Weyn U Leeyihiin Is-dhexgalka Dhalinyarada Iyo La Dagaalanka Mukhaadaraadka” Madaxweyne Biixi

Madaxweyne Biixi Oo Bogaadiyay Xulka Kubadda Cagta ee Degmada Maxamed Mooge Oo Ku Guuleystay Koobka Degmooyinka.

Hargeysa(Hayaannews); Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyeeyay kooxda Kubadda Cagta degmada Maxamed Mooge,kadib markii ay maanta ku guuleysatay koobka degmooyinka 2021.

Koobkan degmooyinka ee sannadkan 2021 ayaa waxay guushu ku raacday degmada Maxamed Mooge oo jiidhay degmadii hore u difaacanaysay koobkaasi degmada Axmed Dhagax, iyagoo kaga badiyay 5 iyo 4 gool.

Madaxweyne Biixi ayaa bogaadiyay xulka kubadda Cagta ee degmada Maxamed Mooge, kadib marii ay ku guuleysteen koobka degmooyinka, waxaanu yidhi “Waxa aan hambalyeynayaa Kooxda Kubadda Cagta Degmada Maxamed Mooge oo ku guulaysatay Horyaalka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa Kooxda Degmada Axmed Dhagax oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka iyo dhamaan kooxihii degmooyinka kala duwan ee caasimadda ee tartankan ka qayb galay.

Ciyaaruhu waxa ay muhiimad weyn u leeyihiin is-dhexgalka dhalinyarada iyo la dagaalanka mukhaadaraadka, waxaana farxad ii ah in aynu horumar la taaban karo ka samaynay qaybaha kala duwan ee ciyaaraha iyo isdhexgalka dhalinyarada”

Dhinca Kale, Waxaana ciyaartii galabta, ee u dambaysay koobka degmooyinka ee caasimadda Hargeysa ee sannadka 2021-ka ay guushu ku raacday degmada Maxamed Mooge oo jiidhay degmadii hore u difaacanaysay koobkaasi degmada Axmed Dhagax, iyagoo kaga badiyay 5 iyo 4 gool.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com