“COVID-19 Looma Adeegsan karo In Lagu Xadgudbo Xoriyadaha Aasaasiga Ah” Xoghaye Anthony Blinken

Secretary of State Antony Blinken speaks during a briefing on the 2022 Country Reports on Human Rights Practices at the State Department in Washington, March 20, 2023.

Washington(Hayaannews): Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay inaan waddanna loo oggolaanin inuu xanunka Covid-19 u adeegsado inuu ku xadgudbo xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah.

Blinken waxa uu hadalkan u jeediyey shir ku saabsan Covid-19 iyo tallaalka oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 17-kii bishan Febraayo.

Blinken ma magacaabin waddan gaar ah markii uu hadalkaasi jeedinayey, waxaase uu ku baaqay in waddamada lagula xisaabtamo waajibaadka ka saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Dawlada Soomaaliya ayaa isla maalinta uu hadalkaasi jeediyey waxay soo saartay amar ay ku joojinayso isku soo baxyada iyo in la isku yimaado iyadoo sheegtay inay tallaabadaas u qaadday ka hortagga faafidda Covid-19 darteed. Ma cadda in hadalka Blinken uu ku socday Soomaaliya.

Tallaabada ay qaadday dawladda Soomaaliya ayaa timid laba maalmood ka hor markii uu dhici lahaa bannaanbaxyo ay ku baaqeen mucaaradka oo ku beegnaa 19-ka Febraayo, kaasi oo gacan ka hadal ka dhashay iyadoo dhinacba kan kale u uku eedeeyey inuu soo weeraray.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Anthony Blinken waxa uu sheegay inay muhiim tahay in caalamku uu si wadajir ah uga hortago kana guulaysto Covid-19, iyo cudurro kale oo faafa oo mustaqbalka yimaada. Blinken waxa uu sheegay in Maraykanku ay 20-kii sano ee lasoo dhaafay ku bixiyeen lacag dhan 140 bilyan oo dollar gargaarrada caafimaadka dunida.

Waxa uu Blinken sheegay in dhamaadka bishan ay Maraykanku siin doonaan Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO lacag dhan 200 milyan oo dollar oo ah waajibkii kusoo aaday Maraykanka.

WILMINGTON, DE November 24, 2020:
Antony Blinken on stage during President- elect Joe Biden introduction of his cabinet member nominees at the Queen in Wilmington, DE on November 24, 2020.
The President- elect along with Vice President- elect Kamala D. Harris introduced Antony Blinken for Secretary of State, Alejandro Mayorkas for Secretary of Homeland Security, Avril Haines for Director of National Intelligence, Linda Thomas-Greenfield for U.S. Ambassador to the United Nations, Jake Sullivan as National Security Adviser, and John Kerry as Special Presidential Envoy for Climate.
(Photo by Demetrius Freeman/The Washington Post via Getty Images)

Waxa uu ugu baaqay dhammaan waddamada inay la dagaalamanaan dacaayadaha aan jirin eel aga faafiyo tallaalka, waxaana uu sheegay in haddii aan taas la samaynin la boqongoynayo hadafkii la lahaa.