Cumaan Oo Dalkeeda Ka Xanibtay App-ka ClubHouse

Cumaan(Hayaannews): Cumaan ayaa Axadda maanta ah xayirtay app-ka codka ah ee Mareykanka laga leeyahay ee ‘Clubhouse’ iyadoo mas’uuliyiintu ay ku sababeeyeen inuusan haysan ogolaansho sax ah. Laakiin qaar ka mid ah u dhaqdhaqaaqayaasha bulshada ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay dagaal horleh oo ka dhan ah xorriyadda hadalka ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladdu aysan ka jawaabin codsi ah in ay faahfaahiso go’aankan. Hase ahaatee, sarkaalka u sarreeya Hay’adda Isgaarsiinta Cumaan ayaa u sheegay website-ka wararka ee WAF in app-ka loo xannibay “ruqsad-la’aan”.

Hashtag-ga Oman_blocks_Clubhouse ayaa Axadda maanta ah qabsaday doodaha isticmaalayaasha baraha bulshada ee Cumaan.

“Dowladda Cumaan waxa ay dowladda kali-taliska ah ee China ka dhigatay tusaale ay ku dayato. Clubhouse waa madal ay dadka reer Cumaan u adeegsadaan inay ku cabiraan ra’yigooda si xor ah oo aan lahayn faaf-reebka dowladda,” sidaasina waxaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Cumaan.