“Cuqdad, Yay Ina Kala Qaadin, Waxaynu Nahay Dad Isku Doon Saaran,… Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradu Waxay Ku Khasban Yihiin,…”  Wasiir KOORE.

“kuligeen Sharaf ayay inoo tahay inaynu noqono kuwo ilaaliya sharciga, oo qofkasta uu ku eekaado masuuliyadda sharci ee uu leeyahay.”

Hargeysa(Hayaannews): Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Saleebaan Cali Koor,ayaa sheegay inaan waajibkooda dastuuriga ah Xildhibaanada Cusub ee Golaha Wakiillada ciddi ku faro-gelin Karin,oo ay Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradu ay ku khasban yihiin inay sidaas idinkula shaqeeyaan.

Wasiir Koore waxa u uku dooday inay dhammaantood Sharaf u tahay inay ilaaliyaan sharciga, oo uu qofkasta uu ku eekaado masuuliyadda sharci ee uu leeyahay.

Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md. Saleebaan Cali Koor oo la hadlayay Xildhibaanada Cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waxa idin hortaagan aniga oo muddo 12-sannadood ka baddan Golaha Wakiillada xubin ka ahaa, waxaan qiyaasi karnaa waxa maskaxdiisa ku jirta xildhibaanka la soo doortay ama ku fikirayo iyo marxalada uu waddanku ku sugan yahay haday tahay dhaqaale, iyo awood kale oo uu waddanku leeyahay. Qaabka loo wada shaqeeyo ‘Xukuumadda iyo Wakiilada”, sida sharciga loo curiyo. Cidda xaq u leh inay curiso, waxa jooga Xoghayihii Golaha Wakiilalada oo ah maskaxdii Golaha Wakiillada. Waxaan idin leeyahay soo dhawaada, cuqdad, yay ina kala qaadin, Waxaynu nahay dad isku doon saaran, oo wada shaqeynaya oo shaqo kulmisay, oo Dastuurku kulmiyay, oo midnimadu kulmisay, oo umadda reer Somaliland kulmisay, oo idinkuna waxaad leedihiin Waajibaad Dastuuriya.”

Sharaf ayay inoo tahay inaynu noqono kuwo ilaaliya sharciga: “Waajibaadkiina dastuuriga cid idinku farogelin kartaa ma jiryo, Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradu waxay ku khasban yihiin, inay idinkula shaqeeyaan waxa dastuurku idin siiyay  ee awooda, sababta oo ah waxa ina kala xadeeya waa Dastuurka, kuligeen Sharaf ayay inoo tahay inaynu noqono kuwo ilaaliya sharciga, oo qofkasta uu ku eekaado masuuliyadda sharci ee uu leeyahay.”Ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Cali KOORE oo ka hadlayay Kulankii aqoon is-weydaarsiga ee ay maanta Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF u qabatay.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Xildhibaanku marka uu ka soo baxo Xisbi ee uu yimaado Golaha Wakiillada waa xubin qaran, marka uu Golaha ka hadlayo, marka uu sharciga ka sameynayo, iyo fikirkiisu waa waa Gees to gees, wax umadda reer Somaliland oodhan xanbaara, ama sharci umadda reer Somaliland oodhan u dan ah oo difaaca ayaa Xildhibaanka looga baahan yahay”

Md. Koore waxa uu ku dooday inay Xukuumaddu la shaqeyn doonto xildhibaan kasta oo Golaha Wakiillada, waxaanu yidhi: “Waxaanu leenahay barasho wanaagsan, wada-shaqeyn wanaagsan, ixtiraam ayaan idiin haynaa, qofkasta oo ka mida Golaha Wakiillada oo la soo doortay Xukuumaddu diyaar ayay u tahay inay la shaqeyso Xisbi kasta oo uu ka soo baxay.”

Mustafe-Janaale

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com