Hargeysa(Hayaannews): aliska Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa bandhigay maandooriyaha Khamriga iyo lacago laaluush oo ay gacanta ku dhigeen, kaddib markii laysku dayey in laaluush la siiyo askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo hawl-galkan ku guulaystay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye-guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo ay weheliyaan xubno ka tirsan hoggaanka Ciidanka Booliska oo warbaahinta kula hadlay xarunta Taliska Ciidanka ee Hargeysa, ayaa sheegay in ciidanku ku guulaysteen inay gacan ku dhigaan maandooriyaha khamri oo lagu soo dhex qariyay jawaanada Qaadka laga keeno dalka Ethiopia.
“Dadka Reer Somaliland waa lagu soo Duulay, oo La Doonayo In Damiirkeena La Baabiiyo” Taliye DABAGALLE.
Taliyaha Booliska Somaliland, waxa uu sheegay in Dadka maandooriyaha iska leh oo ah muwaadiniin la yaqaanno ay isku dayeen inay lacag laaluusho ah siiyaan Ciidanka Booliska oo inta ay lacagtiina ka qaadeen, maandooriyihiina ka qabtay.
HALKAN HOOSE KA DAAWO
Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.
#Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com