“Dadku Waxay Tabayaan Cadaalad,…. Sirta Qaranka Dibadda Ha Soo Dhigina…” Cabdilaahi-CUKUSE.

“KULMIYAHA cusubi isaga ayaa maaga KULMIYIHII hore”

Hargeysa(Hayaannews): Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inay dadku tabayaan cadaalad, isaga oo ku tilmaaay inuu KULMIYAHA cusubi uu maago KULMIYIHII HORE.

Cabdilaahi-CUKUSE waxa uu sidaa ku sheegay khudbad dhinacyo baddan taabanaysa oo uu maanta ka jeediyay shirweynihii 2aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, oo uu shaaciyay inuu ku soo iiray.

“Waxaan Markhaati ka ahaa Axmed Maxamed Siillaanyo oo xilku wareejinaya Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali, maantana waxaynu markhaati u nahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo Guddoomiyaha Waddani ku wareejinaya Xirsi Cali Xaaji Xasan” Cabdillaahi Cukuse

KULMIYAHA cusubi isaga ayaa maaga KULMIYIHII hore: “Dadku waxay tabayaan Cadaalad,..Cadaalada garsoorayaasha lagu qawadaa waxay ka soo qaloocataa saldhigyada bileyska……Xisbigayga KULMIYE oo aan muddo baddan ka tirsanaa waxba ka sheegi mayo, isagaa dhaliil isugu filan oo KULMIYAHA cusubi isaga ayaa maaga KULMIYIHII hore,”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.

“Maalmahan waxaan arkayay waraaqihii xafiisyada oo suuqa lagu soo seydhay, waraaquhu xafiis ayay leeyihiin ee u daayaa, Sirta qaranka dibadda ha soo dhigina”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.

HALKAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADII CABDILAAHI CUKUSE:

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com