Dadweynaha Oo Su’aalo Iska Waydiinaya Sababta Uu Wasiirka Arrimaha Guduhu Uga Hadhay Safarka Madaxweynaha Ee Gobollada
October 21, 2020 - Written by admin
Hargeysa (Hayaannews) – Dadweynaha Caadiga ah ee Reer
Somaliland iyo kuwo Siyaasadda Fallan-qeeya ayaa su’aalo iska waydiinaya
Sababta uu Safarka Madaxweynaha ee Gobollada dalka uga maqan yahay Wasiirka
Arrimaha gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed.
Ma jirto sabab Cad oo la ogyahay oo Wasiir Maxamed Kaahin uu
uga hadhay Safarka Saaxiibkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku marayo
Gobollada bariga dalka, laakiin waxa jira su’aalo iska soo horjeeda oo
Dadweynuhu arrintaa ka qabaan.
Dadweynaha qaar ayaa qaba in aanu Wasiir Maxamed Kaahin si fudud uga hadheen Madaxweynaha, balse uu
jiro khilaaf weli huursan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Wasiir Maxamed.
Dadka khilaafka sheegaya ayaa daliishanaya in Khilaafku salku
ku hayo ama ka soo unkamay Xayiraadda diyaaradaha Fly Dubai iyo Al-arabia,
kuwaasi oo dhowr jeer ay Waayeelka iyo Madax-dhaqameedka Beesha Wasiir Kaahin
ay Madaxweynaha kala hadleen inuu fasaxo, arrintaasi oo markii dambe uu
Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Wasiirrada isla-markaana ay dood adag ku dhex
martay Xubnaha Golaha Wasiirrada, laakiin Aakhirkii la go’aamiyey inaan
Xayiraadda laga qaadin diyaaradihii uu Wasiir Kaahin doonayey in la fasax.
Laakiin, Dad kale ayaa qaba inaanu wax khilaaf ahi jirin ee
sababta uu Wasiir Kaahin uu Safarka Madaxweynaha uga maqan yahay tahay sababo
la xidhiidha gudashada Waajibaadyadiisa shaqo.
Dadkan ayaa qaba, maaddaama oo uu Madaxweynuhu ku jiro safar, Madaxweyne ku-xigeenkuna dalka kaga maqan safar dibedeed uu Wasiirka Arrimuhu guduhu safarka Madaxweynaha uga hadhay inuu fuliyo hawlaha qaranka ee Caasimadda ka socda.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Biixi iyo Maxamed Kaahin
Axmed oo duruufo siyaasadeed oo kala duwan ka soo wada dabbaashay ayaan
midkoodna ka hadal dareenkan Bulshada ka dhex guuxaya oo dabcan la dareemi karo
inay ka war hayaan.