“Dagaalka LAASCAANOOD Waa Dagaal Sokeeye,Muuse Waxaan Leeyahay intii Aad Taladii Dalka La Anban  Kareysay Waad La Anbatey..”Cabdiraxmaan-CIRRO.

 

“Dagaalka Laascaanood, waa kugu dhimmay oo kaa dhimay, waa mid la dhex-dhigay ummad mid ah.”

Hargeysa(Hayaannews): Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay duulaanka dagaal ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku soo qaaday gobolka Sool.

Cabdiraxmaan-CIRRO, ayaa waxaa uu maamul Goboleeedka Soomaaliya ee Puntland ku eedeeyay duulaanka ay ku soo qaaday Somaliland, isagoona digniin culus u diray.isla markaana waxa uu ku bogaadiyay ciidamada qaranka Somaliland ku inay iska difaaceen dulaanka maamulka Puntland.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa dhanka kale waxaa uu ku baaqay in miiska wadahadalka lagu xaliyo colaada ka taagan magaalada Laascaanood.

Waxaa uu sheegay in loo bahanyahay in dadka la kala bad baadiyo, isaga oo xaalada ku tilmaamay kaa dhimay oo kugu dhimay, waxa uu dagaalka ku tilmaamay mid sokeeye, waxaanu sheegay in aan laba dhinac ishaynine umad mid ah la dhex dhigay colaada.

Garaadada gobolka Sool, ayuu ugu baaqay nabad iyo xabad joojin, madaxweynahana wuxuu u soo jeediyay in uu dhagaysto talooyinka waxtar ka leh ee waayeelka iyo waxgaradka, isla markaana uu ka fikiro sida ay u eekaan doonto Somaliland-ta uu ka tagayaa.

“Dagaalka Laascaanood waa dagaal sokeeye  , Muuse waxaan leeyahay intii aad taladii dalka la anban  kareysay waad la anbatey , Meedey Somaliland-tii mideysneyd” Cabdiraxmaan Cirro

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Dagaalka Laascaanood, waa kugu dhimmay oo kaa dhimay, waa mid la dhex-dhigay ummad mid ah.“Muuse waxa aan ugu baaqayaa inuu dhagaysto tallooyinka samaha sida, maankiisana uu ku hayo su’aasha ah, sidee ayay u eekaan doontaa Somaliland-ta aad ka tegaysaa dhawaan?”ayuu yidhi, murrashax Cabdiraxmaan Cirro

“Dagaalka Laascaanood, waa kugu dhimmay oo kaa dhimay, waa mid la dhex-dhigay ummad mid ah, oo aan meelna kala tegeyn, Laascaanood waxay noola mid tahay, Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco iyo Ceergaabo. Xaaladda Laascaanood ku simantahay waa mid aan farxad gelinayn qof walba oo innaga mid ah.”ayuu yidhi, isagoo raaciyay in qof ahaan ay si gaar ah u damqayso.”waayo dankasta oo shaqsi waxa igala weyn danta caamka ah, dadkayga oo midaysan, waddajira oo wax wada leh.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-CIRRO

HALKAN HOOSE KA DAAWO SHIRKII JARAA’ID

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com