Dawlada Canada Oo Shaacisay Inay Qaadanayso in Ka Baddan 400,000 Muhaajiriina Sanadkiiba


Canada(Hayaannews): Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorsheheeda ku aadan qaabilaada qaxoontiga (2021-2023), waxayna sheegtay in ay bartilmaameedsan doonto heerka ugu sareeya ee qaadashada soogalootiga.

Saddexda sano ee soo socota, Canada waxay shaacisay inay hiigsaneyso inay soo dhaweyso oo ay deganaasha cusub oo joogto ah siiso boqolaal kun oo qaxoonti ah.

Qorshahan oo ka billaabanaya Sanadka soo socda ee 2021, ayay Canada ku qaadandoontaa 401,000 qaxooti ah. Sanadka ku xigana (2022), waxay qaadandoontaa 411,000 halka sanadka 2023 ay qaadandoonto 421,000.

Qaxoontigii ugu badnaa ee ay Canada soo dhaweyso oo gaarayay in ka badan 400,000 oo muhaajiriin ah ayaa ahayd sanadkii 1913.

Tan iyo waqtigaas kadib, ma jirin tiro intaas le’eg ama u dhow oo ay Canada dalkeeda kusoo dhoweysay.

Horaantii sanadkaan, bishii Maarso 12-keedii, dowladda Canada waxay ku dhawaaqday inay soo dhaweynayso in ka badan hal milyan oo cusub oo qaxooti ah oo helaya deganaansho rasmi ah inta u dhaxeysa 2020 iyo 2022.

Maalmo kadib, Kanada waxay ku qasbaneyd inay xidho xuduudaheeda sababa la xidhiidha cudurka faafa ee COVID-19.