Dawlada Faransiiska Oo Muwaadiniitiisa Ka Daadgureynaya Itoobiya

Paris(Hayaannews): Faransiiska ayaa billaabaya inuu dib uga soo celiyo qaar ka mid ah muwaadiniintiisa caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kadib markii uu u kiraystay diyaarad gaar ah oo magaalada Paris ku soo celisa, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Faransiiska ayaa toddobaadkii hore ku boorriyay dhammaan muwaadiniintiisa inay isaga baxaan Itoobiya si aan daah laheyn, maadaama colaadda dalkaas ay sii kordhayso.

“Wasaaradda arrimaha Yurub iyo dibadda waxay go’aansatay inay kireysato duullimaad khaas ah, si loo fududeeyo dhoofka dadka waddankeenna ah,” ayaa lagu yidhi ilo-wareedkan.

Afhayeenka dowladda Itoobiya Legesse Tulu markiiba jawaab kama bixin codsi ay wakaaladda wararka ee Reuters u dirtay oo la xidhiidhka arrlnkan.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com