Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargeysa Oo Ka Hadashay Suuqii Gubtay Ee WAAHEEN Oo La Dhamaystiray Wejigii 1aad

Hargeysa(Hayaannews)-Wajigii koowaad ee nadiifinta suuqii gubtay ee Waaheen, ayaa la soo gabagabeeyey maalintii shalay oo Salaasa ahayd, kaddib muddo siddeed maalmood oo xidhiidh oo uu socday, laga soo bilaabo 11-kii bishan April.

hawlgalkan oo ay hogaaminaysay dawladda hoose ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-qaatay dawladdaha hoose ee Degmooyinka dalka qaar kamida oo gaadiid xoojin iyo agab kaleba ku soo xoojiyey, qaar kamida shirkaddaha waaweyn ee dalka, kuwa dhexe, hay’addaha dawladda iyo qaybo kale oo kamida bulshada Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa.

Siddeeda degmo ee gobolka maroodi-jeex, ayaa dhamaantood iyaguna kala qaybgalay xaadhida qashinka hadhaadiga dabka ee wajigii hore la dhamaystiray, sida uu warbaahinta u sheegay xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac oo ka hadlay shir-jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Maayarka iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha.

Xoghayaha ayaa ka warbixiyey qaabka iyo qorshaha fulinta nadiifinta suuqaas gubtay u dhacday wajigii koowaad, isagoo sharaxaad ka bixiyey xajmiga qashinka la xaadhay, caqabadaha jiray iyo guud ahaan sida ay hawshu u dhacday.

“Waxa la qaaday sagaal boqol iyo kow iyo soddon lawdh oo qashin ah oo u kala baxa hadhaagii dabka, Ciiddii iyo qashin ahaa ee dhulka u dhacay ee dabku ka tegay iyo wixii Bir iyo Iskaraab ahaa oo aanu qaadnay”ayuu yidhi Xoghaye Siciid oo intaas raaciyey “waxay u sii kala baxayaan saddex boqol iyo shan lawdh oo Iskaraab ah iyo lix boqol iyo 26 lawdh oo ciid, qashin iyo walxo Iskaraab ah isugu jira”

Xoghayuhu wuxuu si guud iyo si gaar gaar ahba ugu mahad-naqay dhamaan shirkaddaha gaarka loo leeyahay, laamaha dawladda iyo cid kasta oo hawsha nadiifintu intii ay socotay kala qayb-qaadatay, kuna taageeray gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sida cagafyada goobta xaadhay iyo gaadiidka waaweyn rarka daabulayey.

Xoghayaha dawladda hoose oo isagu hogaaminayey shaqada banaynta iyo nadiifinta suuqii weynaa ee Waaheen ee gubtay, waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyey shilal kala duwan oo hawsha dhexdeeda ka dhacay, kuwaasoo aan khasaare nafeed gaysan.

“muddadaa sagaalka maalmooda ee ay hawshu socotay ee ay shaqaynayeen dawladda hoose iyo qaybaha kala ee noo soo gurmaday shilal baa halkan ka dhacay. hal Gaadhi oo ay dawladda hoose ee Gabiley leedahay ayaa dhacay, gaadhi kalena shilbuu galay maalmihii shaqadu socotay, shilalka kale ee koob-koobani iyaguna way badnaayeen oo Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka ayaa xogteeda bixin doona. markay shaqada baaxadaas lihi socotay oo magaalo dhexdeeda laga shaqaynayey kollay shil ma waayeyso”

“muddadaas shaqadu socotay 128 qof oo waxyeello fududi ka soo gaadhay hawsha ayaa adeeg caafimaad loo fidiyey” ayuu raaciyey xoghayaha oo sidoo kale mahad-celin balaadhan u jeediyey guud ahaan Ciidamada kala duwan ee dalka, si gaar ahna u bogaadiyey laanta dab-damiska oo uu sheegay inay qabteen shaqo naf-hurnimo ah oo aan la koobi karin.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay inay hawshii nadiifintu si fiican oo isku-tashi qaran ah ku dhamaatay, wixii iminka ka dambeeyana ay talada dib-u-dhiska suuqaas iyo wixii hawl kale laga qabanayaaba la gudo geli doono.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa dawladda hoose ee Hargeysa ku amaanay wakhtiga kooban ee ay ku soo gabagabeysay shaqada baaxada leh ee ay qabatay. waxa uu tilmaamay in aan fari ka qodnayn ka soo kabashada iyo maareynta waxyeelladii ka dhalatay masiibada dabka.

Suuqa Waaheen ayaa gubtay oo ay hanti fara badanina ku shuf-beeshay 1-dii bishan April, kaddib markii goor habeen ah uu dab ka kacay, waxaana halkaasi ku burburay hanti lagu qiyaasay ilaa laba Billion oo dollar.