Dawlada Hoose Ee Degmada Baligubadle Oo Furtay Kulan Lagaga Hadlaayey Qorshaha Ay Ku Shaqayn Doonto Sannadkan Cusub.

Baligubadle(Hayaannews)Dawlada hoose ee degmada Baligubale ayaa furtay kulan ku saabsan fulinta qorshaha ay ku shaqayn doonaan sannadkan 2021.

Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolka Hawd Maxamed Cawaale, waxa kulankaas hadalo ka jeediyay xoghayaha fulinta dawlada hosoe ee degmada Bali-guble Saalax Muxumed Idisir, agaasimaha waaxda qorshaynta Khadar Xasan Cabdi iyo Faadumo Cali Ducaale oo ku hadlaysay afka urarada haweenka degmada Baligubadle, ayaa sheegay in arrimaha ugu waawayn ee sannadkan u qorshaysan ay ka mid tahay horumarinta dhaqaalaha degmada, waxsoo saarka qaybihiisa kala duwan iyo horumarinta xoolaha.

Mayaarka degmada Bali-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac, ayaa sheegay in qorshaasi u fuli doono sida ay ugu talo galeen, iyadoo dawlada hoose xooga ay saari doonaan ka shaqaynta arrimaha uu qorshaha sannadka 2021 ku saabsan yahay, waxaanu dadweynaha ku nool degmada Baligubadle u soo jeediyay inay dawlada hoose gacan ka siiyaan hirgalinta qorshahaas.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Hawd Axmed Cige Maxamed oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa dawlada hosoe ee degmada Baliguble, waxaanuu intaas ku daray in gobol ahaan ay dawlada hoose ee degmada kala shaqayn doonaan sidii qorshahaasi u hirgali lahaa.