Dawlada Ingiriiska Oo Somaliland Ka Caawinaysa Horumarinta Tayada Ciidanka Qaranka

Hargeysa (Hayaannews)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dowladda Ingiriiska oo ay wakiil ka tahay shirkadda Adam Smith la kaashanaysa horumarinta tayada Ciidamada Milatariga iyo Kaabayaasha xarumaha taliska Ciidanka Qaranka, sida lagu sheegay warbixin ay faafisay warbaahinta Africa Intelligence.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani, ayaa heshiis kula galay shirkadda Xarunteedu tahay magaalada London ee Adam Smith International  inay kala Shaqayso qorshaha dib u habeynta ciidanka Difaaca dalka, sida u dhigayo sharciga barnaamijka ammaanka ee Somaliland Security Program.

Sida ay warbaahinta Somalilandpost ka soo xigatay African Intelligence oo ah mareeg lagu baahiyo wararka qarsoodiga ah, Shirkadda oo heshiiskeedu soconayo ilaa 2024-ka, ayaa la filayaa inay dhawaan magaalada Hargeysa u soo dirto mid ka mid ah khubaradeeda si uu u kormeero isbeddelada dhinaca horumarka ee lagu sameeyey taliska Dhexe ee ciidanka isla markaana uu taageero tababarka ciidamada ka qayb qaadanaya duruusta lagu bixinayo tabobar caalami ah oo la siinayo saraakiisha iyo Ciidamada Qaranka.

Warku waxa uu intaas ku daray in Khabiirkan iyo hawl-wadeennada la shaqeynaya ay sidoo kale u shaqayn doona sidii uu iskugu xidhi lahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland iyo Safaaradda Ingiriiska ee Hargeysa oo uu dhawaan la shaqadeeda la wareegay diblumaasi lagu magacaabo Morgan Riley iyo u-qaybsanaha arrimaha gaashaandhigga ee safaaradda Gaashaanle Sare James Christie.

Shirkadda Adam Smith oo ay madax ka tahay haweenay u dhalatay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Jalpa Patel, ayaa hore uga soo shaqaysay Somaliland, iyadoo shirkaddu soo maamushay mashaariic iskaashi oo dhinaca amniga ah, iyadoo shirkadda Adam Smith oo ka wakiil ah dowladda Ingiriiska ay tabobaro iyo La-talin dhinaca amniga ah, gaar ahaan dhinaca sirdoonka u fidisay Taliska sare iyo ciidamada ilaalada Xeebaha ee Somaliland intii u dhaxaysay sannadihii 2013-kii ilaa 2014-kii.

Waxa kale oo warkan lagu sheegay in shirkaddu xilligaas wada-shaqayn ay ku taageerayso la yeelatay Ciidanka Booliska Somaliland.

Dowladda Ingiriiska oo Somaliland ka taageerta dhinaca horumarinta ammaanka, ayaa hore ugu soo dirtay Somaliland shirkado gaar loo leeyahay oo qaabilsan dhinaca Amniga, kuwaas oo ay ka mid yihiin Axiom International iyo Aktis Strategy si ay Jamhuuriyadda Somaliland uga caawiyaan horumarinta iyo kor-u-qaadista awoodaha dhinaca Milatariga.

Source:Somalilandpost

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com