Dawlada Iran Oo Ku Eedaysay Israa’iil Weerar Lagu Qaaday, Kuna Hanjabtay Inay Ka Fal-celinayso

Iran(Hayaannews): Iran ayaa Khamiis maanta ahayd ku eedaysay dalka Israel inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadeen, weerar ay ku qaadeen magaalada Isfahan ee ku taalla badhtamaha dalka Iran, kaasoo dhacay maalintii Sabtida ahayd.

Qoraal lagu baahiyey bogga ay leedahay safaaradda Iran u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in calaamadaha hordhaca ahi inay muujinayaan in Israa’iil ay ka masuul ahayd “isku-dayga fal gardarro ah”.

Warqadda ka soo baxday dalka Iran laguma soo bandhigin caddaymo gaar ah.

Dawladda Iran ayaa sheegtay in weerarka ay ku lug lahaayeen saddex diyaaradood oo ah, kuwa aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo bartilmaameedsaday goob lagu tababaro ciidamada, waxaana la toogtay lama ka mid ah, diyaaradahaas.

Wasaaradda difaaca ee Iran ayaa sheegtay in weerarkaas uu burbur yar u geystay dhismaha.

Dalka Israa’iil ayaa hore u fuliyey weeraro kala duwan oo lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah oo lala xidhiidhinayo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iran.

Masuuliyiinta dalka Iran ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahina ka bixiyaan dhacdadan.

Waraaqda ay Iran u dirtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka ayay ku xuseen digniin la xidhiidha inay ka falcelin doonaan weerarkaas.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay haysataa xuquuqdeeda sharciga ah iyo xaqa dhabta ah … si ay u difaacdo ammaankeeda qaranka oo ay si adag uga jawaabto hanjabaad kasta ama ficil kasta oo khaldan oo uu ku kaco maamulka Israel, meel kasta iyo mar kasta oo loo arko lagama maarmaan,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo kala xigtay AP iyo AFP.