Dawlada Jabuuti Oo Ka Hadashay Dagaalka Ka Socda Magaalada LAASCAANOOD

Jabuuti(Hayaannews): Dawladda Jabuuti ayaa markii ugu horeysay ka jawaabtay warar la isla dhex-marayo, isla markaana ku tilmaantay inaanay ku lug lahayn dagaalka ka socda Magaalada LAASCAANOOD ee u dhaxeeya Ciimada Somaliland Iyo Jabhada SSC, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac laxaad leh.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta qoraal soo saaray ayaa beeniyay wararka la isla dhex-marayo, waxaanu yidhi;

“Maalmihii u dambeeyey, waxa baraha bulshada dhex socday marinhabaabin ballaadhan, oo dalkayga Jabuuti lagu eedaynayay inuu ka qayb qaatay waxa Laascaanood ka socda. Waxaas oo dhami waa been la buun-buuniyey, si Jabuuti loogu diro waddamada la jaarka ah”. Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf

Wasiirka arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf Hayaannews