Dawlada Jabuuti Oo Shaacisay Inay Iibinayso Saami Ka Mida Shirkadda Isgaadhsiinta Ee TELECOM.  

Jabuuti(Hayaannews): Xukuumadda Jabuuti ayaa shaacisay in Shirkadda Isgaadhsiinta dalkaasi ee TELECOM oo ay dawladu leedahay in qayb ka mida saamigeeda laga iibinayo maalgashadayaashal lagu kal-soon yahay.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed maalintii shalay ee Axadii lagu ansixiyay xeer qabyo ah oo ku saabsan in shirkadda isgaadhsiinta ee dalkaasi ee Jabuuti Telecom oo ay dowladdu leedahay , qayb yar oo ka mid ah saamigeeda laga iibiyo maalgashadayaasha lagu kalsoonyahay ee shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Wa-rsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qodobkan lagu gorfeeyay shir ay yeesheen xubnaha golaha wasiirada ee Jabuuti oo uu shir guddoominayay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Tallaabadan ayaa ah mid ay xukuumadda Jabuuti ku tilmaantay tallaabo Taariikhi ah oo suurtagalinaysa in la furfuro lana horumariyo dhaqaalaha dalkaasi oo ay inta badan gacanta ku hayso dowladda.

War-saxaafadeedka madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu sheegay in meelmarinta xeerkan ay xukuumaddu u adeegsan doonto talada iyo aqoonta shirkado iyo khubaro calami ah, kuwaasi oo gacan ka gaysan doona sidii loo hirgalin lahaa qorshahan.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay horumarinta dhaqaalaha, kaas oo la rabo inuu la jaanqaado dhaqaalaha casriga ah ee ku salaysan Internet-ka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com