Dawlada Kenya Oo Ballanqaaday Garab-istaaga Dib-u-dhiska WAAHEEN

Nayroobi (Hayaannews)- Xukuumadda Kenya ayaa u balanqaaday bulshada Caasimada inay ku xisaabtamaan taageeradooda, wakhtigan adag iyo dib-u-dhiska nolosha shacabka.

War saxaafadeed shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya oo cinwaan looga dhigay fariinta garab-istaaga Dowladda Kenya ee dabkii suuqa Waaheen, ayaa lagu bilaabay;

“Waa qoomamo aad u weyn in aan ogaannay, shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacday suuqa Waahen, habeenimadii 1-da April.”

Qoraalka Wasaaradda Khaarajiga Kenya ayaa la raaciyey, “Shacabka iyo xukuumada Kenya waxay garab taagan yihiin shacabka Somaliland, waxaan u dirayaan tacsi dadkii iyo qoysaskii ku dhaawacmay. Waxaan wadaagnaa dhaqan isku mid ah iyo saaxiibtinimmo adag.

“Waxaan u hambalyeyneynaa hal-adaygnimada shacabka reer Hargeysa, waxaanan ku kalsoonnahay rabitaankiina xooggan ee ka soo kabashada masiibada, oo aad u soo baxdaan si ka sii xoog badan oo ka sii wanaagsan.

Dib u dhiskiina, fadlan ku xisaabtama taageeradayada iyo wada shaqeyntayada hagar la’aanta ah. Waxa aanu idiin rajeynaynaa in aad dib u dhistaan oo aad dib u soo celisaan noloshii shacabka Hargeysa

Xukuumada Kenya ayaa qoraalkooda ku soo xidhay “Waxaan idiin xaqiijinaynaa taageeradayada iyo garab-istaagiina wakhtigan masiibada ah.