Dawlada Maraykanka Oo Kordhisay Tirada Siyaasiyiinta Soomaaliya Ee Uu Xayiraadda Saaray

Washington (Hayaannews):- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay kordhisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu soo rogay xayiraadaha fiisaha, kuwaas oo lagu eedeeyay wiiqista hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, Ka dib markii dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay ku guul-darreysateen dhammeystirka doorashada aqalka hoose oo ku ekayd 15-ka Maarso

Sida waxa shaaciyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken Arbacadii shalay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, ayaa sheegtay, iyadoo raacaysa siyaasad ay ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, oo qeyb ka ah sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, inay xaddidayso bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay inay  carqaladeynayaan hannaanka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

“Mareykanka wuxuu si weyn u taageerayaa dadka Soomaaliyeed iyo sida ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda. Waxaan kordhinayaa tirada shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee lagu hayo xannibaadaha fiisaha, kuwaas oo ku howlan wiiqitaanka hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya,” ayuu ydhi Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Blinken.

Inkastoo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay horumaro laga sameeyay doorashada aqalka hoose lana doortay tiradii ugu badnayd ee barlamaanka, haddana dowladda Maraykanku waxay sheegtay inay weli jiraan warbixino lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan khaladaad ka dhacay habraaca doorashada, Saxafiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ah oo lagu sameeyay cagajugleyn, iyo xadhig.Maraykanku wuxuu sheegay inuu wadi doono siyaasadda isla xisaabtanka, tasoo uu sheegay in lagu taageerayo  soo gabagabeynta degdegga ah ee hannaanka doorashada Soomaaliya si lagu kalsoonaan karo oo hufan.Maraykanka, ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo magacyada shakhsiyaadka uu kusoo rogay ama hadda kusoo rogayo cunqabataynta dhinaca fiisaha dalka ku galka

Tallaabadan ayaa timid kadib markii uu mar kale dib u dhac ku yimid dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, iyadoo dhinaca kale Maraykanku aanu weli shaacin magacyada shakhsiyaadka la cunaqabateeyey

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com