Dawlada Maraykanka Oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Baaqay inuu si Degdeg ah Wax Uga Qabto jahwareerka Doorashada ka Taagan

Muqdisho (Hayaannews) – Dowladda Maraykanka ayaa ku boorrisay Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka qaran ee Soomaaliya inay hadda wax ka qabtaan jahwareerka siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in heshiis lala galo hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka si loogu oggolaado qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Maraykanka ayaa sheegay dhibaatada siyaasadeed ee sanadkii la soo dhaafay in ay dhalisay natiijo la’aan niyad jab leh oo la xidhiidha la-dagaallanka al-Shabaab, hagaajinta amniga iyo horumarinta dhaqaalaha ka dib markii la gaadhay marxaladda koowaad ee ka cafinta deynta.

“Si deg deg ah oo loo xaliyo ismari waaga doorashada ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya. Waa masuuliyada iyo waajibka saaran madaxda qaranka iyo kuwa gobolka inay meel iska dhigaan raadinta danaha siyaasadeed ee taa badalkeedana ay ku shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed oo iyagu ka mudan ,” ayuu yidhi Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Hadda la joogo xilligii la xallin lahaa arrimaha taagan oo la dhammayn lahaa shaqada qabashada doorashooyinka.