Dawlada Mareykanka Oo Ka Hadashay Safarka Madaxweynaha Somaliland

“Waxaan soo dhaweyneyaan fursadda aan kula kulmeyno Muuse Biixi Si looga hadlo xoojinta wadasheynta Mareykanka ee Somaliland ”

Washington DC (Hayaannews):- Dowladda Maraykanka, ayaa ka hadashay safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu Hoggaaminayaa ku joogaan magaalada Washington ee dalkaas iyo mawqifkeeda ku wajahan xidhiidhka labada dhinac yeelan karaan iyo weliba qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Waaxda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika, ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso booqashada Madaxwaynaha Somaliland ku tagey dalka Maraykanka.

Mareykanka, wuxuu sheegay in Somaliland ay kala shaqeynayaan xoojinta xiriirka balse wuxuu ku xiray shuruudda ah in uu ku qaabilyo ‘xeyndaabka siyaasadeed’ ee ka yaallo Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyneyaan maanta fursadda aan kula kulmeyno Muuse Biixi si looga hadlo xoojinta wadasheynta Mareykanka ee Somaliland iyadoo aan ku qabileyno xeyndaabka siyaasadeed ee nooga yaallo Soomaaliya.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraal Waaxda arrimaha Afrika qaabbilsan ee Maraykanku ku baahisay barteeda Twitter-ka. Isla maantana waxa qabsoomay kulankaas waaxdu sii sheegtay.

Welcomed the opportunity to meet @musabiihi today and discuss strengthening U.S. engagement with Somaliland within the framework of our single Somalia policy.

— Bureau of African Affairs (@AsstSecStateAF) March 14, 2022

Waxaana khudbadda soo qabanqaabiyay machadka The Heritage Foundation ee dalka Mareykanka, wuxuu si wayn uga warbixiyay maraxaldihii ay Somaliland soo martay, caqabadihii ay ka soo gudubtay, halka ay maanta taagan tahay iyo higsigeeda mustaqbalka.

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad doraad ka jeediyey xarunta Machadka The Heritage Foundation ee Washington, ayaa sheegay inaanay Somaliland dib ula Midoobaynin Soomaaliya ee ay aqoonsigeeda ka raadinayso beesha Caalamka, isaga oo Soomaaliya ku eedeeyey fashil uu sheegay inuu ku yimi wadahadal Hargeysa iyo Muqdisho u soo bilaabmay 2012kii.